Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Cali Nuur (Shuute), oo haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka, ayaa goob fagaare ah kula hadlay ciidamada Xoogga Dalka ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab, isaga oo ka hadlay ciidamo iyo taliye usoo baxsaday Muqdisho.
Shuute ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay xiran yihiin taliye horin iyo ciidamo kale oo ka baxsaday furimaha hore ee dagaalka, laguna hayo xabsi ku yaalla caasimadda.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ku bogaadiyay ciidamada uu la hadlayay in ay sii laba jibaaraan dagaalka, si aysan fursad u helin argagixisada ay dagaalka kula jiraan.
“Ciidamadii baxsaday ee Xamar aaday way xiran yihiin, kuwiina inta joogo waxaa la’idinka rabaa dadaal. Waxaa lagu jiraa Ramadaan ee dhinaciina yay dabeyl naga soo gelin,” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in ciidamada looga baahan yahay in aysan isku xirin qof ama koox, balse looga baahan yahay inay ka dhabeeyaan dhaartii ay soo mareen ee difaaca dalka.
“Xitaa taliye horin ayaa iska tegay. Ogaada, xitaa haddii taliyihiina ugu weyn uu dhinto, sow ma shaqayn lahayn? Qofkii tega inuu dhinto ayaa laga soo qaadaa,” ayuu yiri.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan ciidamada dowladda, oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka, ay dagaal adag kula jiraan kooxda Al-Shabaab oo mar kale dib ugu soo rogaal celisay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe oo horay looga saaray.