Awdheele (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta qarax culus lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, laguna magacaabayay Maxamed Nuur Jareere.
Marxuumka ayaa hadda ahaa Abaanduulaha Ururka Awdheegl ee 14-ka October, waxaana qarax miino u dhigtay kooxda Al-Shabaab, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Taliye Jareere oo caan ka dhex ahaa ciidamada ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhintay qaraxa loo dhigay, waxaana sidoo kale dhimasho iyo dhaawac noqday askartii kale ee la socotay ee ka midka ahayd ilaaladiisa.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xilliga la dilayay taliyaha uu gurmad ugu socday deegaanka Sabiib oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen weerar ku bilowday qaraxyo, uuna xigay dagaal toos ah oo saacado qaatay, kaas oo dhaliyay khasaare xooggan.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo taliska Xoogga dalka ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid marxuumka, waxayna tilmaameen inuu ahaa geesi ka baxay ciidamada.
Dhinaca kale dilka taliyahan ayaa qayb ka noqonaya taliyeyaal sar sare oo lagu dilay gulufka socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay Taliye Abuukar Cabdulle Raage (Garmaqaate) oo isna dhawaan lagu dilay dagaal ka dhacay Shabeelaha Dhexe.
Weerarka Sabiib ay ku qaadeen Al-Shabaab auaa waxa ay u adeegsadeen baabuur laga soo buuxiyay qaraxyo oo ay ku weerareen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac.
Weerarka ayaa kusoo aadayo, iyada oo sidaan oo kale ay maalmo kahor Al-Shabaab qaraxyo ugu weerareen degmada Awdheegle oo ay muddo kooban la wareegeen, kadib dagaal culus oo ay la galeen ciidamada Gorgor iyo kuwa 14-ka October ee Xoogga dalka.
Al-Shabaab ayaa inta badan weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.
Si kastaba, Labada Shabeelle ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii ay culeys soo saareen deegaannadii horay looga qabsaday ee gobolladaasi oo daris la ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.