Imaaraadka oo farriin culus soo gaarsiiyay Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay wafdi sare oo ka socday Imaaraadka Carabta, kaas oo uu hoggaaminayay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda, ahna dhaxal-sugaha dalkaas, Sheikh Shakhboot Binu Nahyaan Aala-Nahyaan. Madaxweynaha ayaa ka guddoomay farriin culus.

Kulankan, oo ahaa mid xasaasi ah, ayaa daba socday wada-hadal dhanka taleefanka ku dhex maray labada Madaxweyne, kaas oo ay ku adkeeyeen iskaashiga walaalnimo iyo wada-shaqeynta labada dowladood.

Wasiiru-Dowlaha maanta la kulmay Madaxweyne Xasan ayaa soo gaarsiiyay dhambaal iyo farriin uu ka siday Madaxweynaha Isutagga Imaaraatka Carabta, Mudane Maxamed Binu Saayid, oo xoojinaya xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal ee walaalaha ah.

Intaas kadib, Madaxweynaha oo guddoomay farriinta ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Imaaraatka Carabta taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadanayaan horumarinta iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraatka, Mudane Sheikh Shakhboot Binu Nahyaan Aala-Nahyaan, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya soo-dhoweynta diirran iyo sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Waxa uu tilmaamay muhiimadda iskaashiga Soomaaliya iyo Imaaraatka u leeyahay horumarka iyo xasilloonida gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhaqaale ahaan si weyn ugu tiirsan Imaaraadka. Si gaar ah, Imaaraadka waxay Soomaaliya ka taageeraan dagaalka Al-Shabaab, mushaarka qaar ka mid ah ciidamada, kabka miisaaniyadda, iyo lacago kale oo dowladdu mararka qaar u baahato.

Dhowaan, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safar aan xogtiisa la shaacin ku tegay dalka Imaaraadka, isagoo la soo kulmay madaxda dalkaas. Xogta ay Caasimada Online ka heshay kulamadii dhacay waxay muujineysaa in Soomaaliya ay dalbaneysay dhaqaale badan, balse lama oga in codsigooda laga aqbalay.

Sidoo kale, safarka dhaxal-sugaha Imaaraadka ee Muqdisho wuxuu ku soo aadayaa iyadoo xilkii laga qaaday Wasiirkii Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Jaamac, oo Madaxweyne Xasan Sheekh u hayey galka Imaaraadka.

Waxaa xusid mudan in Imaaraadku dhowr jeer cadaadis ku saaray dowladda federaalka Soomaaliya hufnaanta maamulidda dhaqaalaha ay siiyaan. Mar ay dalbadeen baaritaan la xiriira arrimahaas, saraakiishii loo xilsaaray baaritaanka ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Wixii ka dambeeyay dilka saraakiishaas, firfircoonidii Imaaraadka ee Soomaaliya way is bedeshay. Imaaraadku waxay u muujiyeen Madaxweyne Xasan Sheekh in ay dhabarka xijiyeen, iyagoo taageeradoodii u weeciyay Somaliland iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada. Arrintan waxay gaartay heer ay Cabdiraxmaan Cirro ku casuumeen maqaamkii uu lahaa Xasan Sheekh.