Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa xalay sameeyay fal aad loogu riyaaqay oo cajiib ah, kadib markii ay gacanta kusoo dhigeen nin la sheegay inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, isla markaana doonayay inuu weerar qarax ah ka gaysto degmadaasi.
Ninka oo ay soo qabteen shacabka ayaa la sheegay in bam-gacmeed ku tuuri rabay agagaarka Jaamacadda Gaheyr, balse waxaa ogaaday dhalinyarada deegaanka oo ka hortegay.
Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ee Internetka ayaa sidoo kale laga arkay shacabka oo garaacaya ninka, kadibna geeyay xarunta ugu dhow ee Booliska.
Dhinaca kale, Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay arrinta ay sameeyeen reer Dayniile, wuxuuna tilmaamay inay farriin culus oo cad ay u direen kooxaha Khawaarijta.
“Shacabka Muqdisho, gaar ahaan reer Dayniile caawa waxay farriin adag u direen kooxaha Khawaatiijta” ayuu ku yiri afhayeenka qoraal uu soo dhiga Facebook-giisa.
Sidoo kale waxaa falkan si weyn uga fal-celiyay dadka isticmaala baraha bulshada, oo iyagana ku boggaadiyay shacabka Dayniile, iyaga oo ku baaqay in lagu deydo.
Cali Yare Cali: “Kacdoonkii dhallinyaro oo ay shalay abuureen saaxiibkeey Abdifatah Barre iyo saaxiibadiis isla caawaba mirodhalkiisii ayaa caasimadda u billowday markii ay dhallibyaro is abaabushar soo qabqabteen Khawaarij guryaha ku dhuumaaleeysaneeysay. GUUL IYO GOBANNIMO”
Haweeya Ismaaciil: “ Shacabka iyo dhalinyarada reer Dayniile halagu daydo khawaarijyada guryaha ku dhuumaaleysanaya soo bixiya”.
Maxamed Xasan: “Guul ama geeri sharaf leh astaamo lagu garto dowladnimo maasha allah guuliysta reer Dayniile”.
Daahir Daacad: “Reer Muqdisho way so jeedaan fadhiga ka kaca cadowga ha jabo dila meeshaad ku aragtaan Khawarijta”.
Sufyaan Mucaawiye:”Haddii la abaal marin lahaa waxaa hubaal ah Shabaab wax tuuro waa la weyn lahaa”.
Suldaan Dhigane: ” Degmooyinka kale ee gobolka Banaadir hanagu daydaano fadlan. Fifa Dayniile”