Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahisay howlgal saacado badan qaatay oo xalay ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.
Howl-galkan oo si weyn loo qorsheeyay ayey ciidanka qaranka xalay ku beegsadeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda, kuwaas oo ku shirsanaa duleedka deegaanka Sumadaale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalka ayaa u dhacay sidii loo agaasimay, waxaana la toogtay dhammaan horjoogayaashii iyo maleeshiyaadkii goobtaasi joogay, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.
“Waxaa la toogtay dhamaan horjoogayaashii maleeshiyaadkii goobtaasi joogay, kuwaas oo awoodi waayay inay ka baxsadaan ciidanka gaarka ah ee dowladda oo ku hawlgalayay xog sirdoon oo dhamaystiran,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.
Dowladda ayaa sheegtay in guul uu kusoo dhammaaday howl-galkan oo qaatay saacado badan.
Dhanka kale, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku jabiyay Shabaab weerar naflacararinimo ah oo ay kusoo qaadeen nawaaxiga deegaanka Sabiid iyo Caanoole, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka.
Geesiyaasha Qaranka oo ku jiray feejignaan buuxda ayaa markiiba ka hortagay weerarka kooxda, halkaas oo uu ka dhacay dagaal saacado qaatay, ugu dambayntiina lagu burburiyay kooxda.
“Cadowgu waxa ay goobta uga carareen maydadka tobannaan maleeshiyaadkooda ka mid ah,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda kasoo baxay.
“Waxaan duco u diraynaa geesiyaasha ku shahiiday iyo kuwa ku dhaawacmay hawlgalkaas. Sidoo kale, waxaan bogaadinaynaa guulaha ay ka gaareen Khawaarijta, waxaana u mahadcelinaynaa saaxiibada caalamka ee gacanta joogtada ah ina siiya.”
Ugu dambeyntiina, dowladda ayaa sheegtay in ciidanka qaranka oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibadooda caalamka ay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab ilaa laga suuliyo dalka oo dhan.