Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku bixiyay xog badan oo ku aadan iscasilaadiisa iyo arimo kale.
Cabsi Salaan Yuusuf Guuleed, oo muddo badan xilkaan soo hayay ayaa shaaciyay waxyaabaha keenay inuu iscasilo iyo dhibaatooyinka ku xeeran ciidamada amaanka oo madaxda ay kula dhaqanto.
Wuxuu Cabdisalaan sheegay in Musuq maasuq iyo ku takri fal awoodeed uu ka dhex jiro hay’addaha amaanka ee dalka, taasi oo sababtay inuusan xilkaasi sii heyn.
Wuxuu sidoo kale sheegay inlaga gaabiyay wax ka qabashada dhibaatooyinkaasi iyo in isbadal dhab ah lagu sameeyo saraakiisha hay’addaha amaanka ee dhibaatada geysanaya.
Cabdisalaan ayaa sheegay in muddo afar sano ah uu hayay xilkaan, balse ay jiraan dhibaatooyin badan oo soo wajahay oo sababay ka tagista xilka uu hayay, sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu dhibaato kale ku tilmaamau mushaar la’aanta joogtada ee heysata ciidamada xooga dalka Soomaaliya, kuwaasi oo lasoo dhigo waddooyinka kala duwan ee dalka Soomaaliya.