Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida oo kulan ku yeeshay Muqdisho + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan ay xalay magaalada Muqdisho ku yeesheen taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, kaas oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga  iyo howlgallada socda.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar, waxaana soo qaban qaabiyay taliska ciidmada Asluubta Soomaaliyeed.

Waxaa kulankan goobjoog ahaa taliyaha ciidamada Xoogga, Ibraahim Sheekh Muxyidiin , taliyaha Booliska Sulub Axmed Firin iyo taliyaha Asluubta Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Taliyaha ciidanka Asluubta oo kulankan isagu qabtay ayaa sharraxay ujeedka ay isugu yimaadeen, wuxuuna tilmaamay inuu ahaa wadatashi iyo is xog wareysi guud.

“Xafladdaan waxa ay ku saabsaneyd inay madaxdu is aragto, ciidamada hadba heerka ay marayaan si ay ula socdaan oo la’isku ogaado,” ayuu yiri taliyaha ciidanka Asluubta.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin oo kulankan uga mahadceliyay taliyaha Asluubta, wuxuuna tilmaamay inay muhiim tahay in la badiyo kulamada noocaan oo kale ah.

“Waxaan leenahay taliyaha ciidanka Asluubta aad iyo aad ayaan uga mahadcelineynaa, waxaan leenahay habeen walba hanoo sameeyo waan imaaneynaa” ayuu yiri taliyuhu.

Dhankiisa taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in dalka ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, isaga oo si gaar ah ciidanka Asluubta ugu amaanay shaqada ay hayaan, maadaama xabsiyada ku hayaan Shabaab badan.

“Ciidanka Asluubta waa ciidan dul-qaad badan oo nimanka aad ogtihiin waxaan isku hayno oo isku ceersanayno waddooyinka iyo duurka ayaa iyaga oo nool nool aad meeshaan ku hayaan oo ay subax walbo arkayaan” ayuu yiri Taliye Sulub Axmed Firin.

Waxaa kale oo sii raaciyay “Waxaan rajeynayaa in ciidankan uu noqdo ciidan hela xuquuqda uu ku leeyahay qaranka iyo ixtiraam gooni ah”.