25.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Taliyihii booliska Somaliland oo caawa geeriyooday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa goor dhow Magaalada Hargeysa ku geeriyooday Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliland, General Cabdillaahi Fadal Iimaan.

Taliyaha oo maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanaayay Magaalada Hargeysa ayaa caawa ku geeriyooday Isbitaalka International ee Magaalada Hargeysa.

Madaxda Somaliland ayaa ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Genaral Cabdillaahi Fadal Iimaan, Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliland.

Jananka ayaa waxaa maalinta berrito lagu wadaa in lagu aaso Deegaanada Somaliland, waxaana aaskiisa la fillayaa in ay ka qaybgalaan Madaxda Somaliland ugu sareysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

- Advertisement -

Read more

Local News