Xog: Magacaabistii Workneh Gebeyehu ee ay diideen Somalia iyo Jabuuti oo aan dhaqan gelin

Addis Ababa (Caasimada Online) – Go’aankii ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu ugu magacaabay wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Itoobiya Workneh Gebeyehu inuu noqdo xoghayaha fulinta urur goboleedka IGAD ayaan dhaqan gelin, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada online.

Go’aankan ayaa dood badan iyo diidmo ka dhex-abuuray IGAD, ayada oo ay ka hor-yimaadeen Jabuuti iyo Soomaaliya oo doonayey in qof kasoo jeeda dalalkooda midkood xilkan loo magacaabo.

Workneh Gebeyehu ayaa waxaa lagu magacaabay warqad kasoo baxay xafiiska Abiy, 22-kii October, hase yeeshee waxaa hadda la sheegay in wasiirkii hore lagu war-geliyey inuu sugo islamarkaana aanu go’aankaas dhaqan gelin.

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in Gebeyehu loo sheegay inuu sugo magacaabis rasmi ah oo loogu dhowaaqi doono shir madaxeedka IGAD oo dhacaya labada toddobaad ee soo socda.

Ma cadda sababta Abiy arrintan dib uga laabtay, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu doonayo inuu shirka IGAD ku magacaabo, si aan loogu arag go’aan uu kaligiis qaatay, kadib cadaadi uu la kulmay.

Madaxda IGAD ayaa marka ku kulmaan Addis Ababa go’aan ka gaari doona xilalka guddoomiyenimada IGAD iyo kan xoghayaha fulinta. Guddoomiyaha IGAD waxaa hadda ah Abiy, halka xoghayaha uu ka yahay Maxbuub Macallin oo Kenyan.

Kenya ayaa dooneysa in Uhuru la wareego guddoomiyaha, halka Itoobiya rabto xoghayaha fulinta. Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa taas u arkay mid awoodda IGAD ay ayaga oo heshiis ah kula wareegayaan Kenya iyo Itoobiya.

Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa doonaya in xilalka ururka noqdaan kuwa wareegto ah, oo aan hadda kadib lagu loolamin. Soomaaliya weligeed ma qaban labadan xil midkoodna.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com