SOMALILAND oo ka qeyb qaadaneysa u gurmashada shacabka Beledweyne

Hargeysa (Caasimadda Online) –  Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo oo kamida magaalooyinka Somaliland ayaa waxa si rasmiya looga bilaabay u gurshamada shacabka ay fatahaaduhu saameeyeen ee Beledweyne.

Gurmadkaasi oo hormuud ka yihiin waxgaradka, culimada iyo weliba dhalinyarada magaalooyinkaasi ayaa waxa la arkayey iyagoo tagaya goobaha Ganacsiga, Waxbarashada iyo Masaajida, si qofkasta wax ugu darsado gurmadkaasi.

Waxa sidoo kale gudaha magaalada Ceerigaabo waxa lagu arkayey dhalinyaro iyo culimo makarafoono la dhex marayey wadooyinka waaweyn ee magaalada, kuwaasi oo dadka ku baraarujinayey inay ka qeyb qaataan gurmadka musiibada Beledweyne.

Gurmadkan laga bilaabay magaalooyinka Somaliland ayaa waxa uu ku soo aadaya xili si weyn loogu wada kacay arrintaasi Beledweyne, isla markaana uu si xawli ah magaalooyinka Galmudug iyo Puntland uga socdo u gurmashada shacabkaasi ay saameeyen fatahaaduhu.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com