Tirada dadka ku barakacay fatahaadaha oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda gargaarka caalamiga ah ee fadhigeedu yahay dalka Norway ee NRC ayaa warbixin cusub ka soo saartay fatahaadaha ka jira dalka iyo barakaca xoogan ee ay sababeen.

Warbixinta  NRC ayaa lagu sheegay in fahaadaha wabiyada Shabelle iyo Jubba ay saameeyeen tiro aad u bada oo ay hadda soo wajahday nolol aad u adag, kadib markii ay daadad xoogan qaadeen deegaanadii ay ku noolaayeen.

NRC ayaa sheegtay  in fatahaada ka dhacay guud ahaan dalka Soomaaliya ay ku barakaceen illaa 273,000 oo ruux, kuwaas oo hadda xaalad adag ay soo wajahday, una baahsan gurmad iyo caawimaad deg deg ah.

Hay’adda qaxootiga ee NRC ayaa sheegtay in meelaha ugu daran ay ka mid tahay Beledweyne, islamarkaana weli ay go’doon ku jiraan xaafado ka tirsan magaaladaasi oo ay ku sugan yihiin dad danyar ah.

Sidoo kale waxa ay hay’addu walaac ka muujisay nolosha dad badan oo ku dhaqan degmada Bardaale ee gobolka Baay, halkaas oo ay ka barakaceen ku dhowaad 30,000 oo qof,  kadib markii ay ku rogmadeen daadad xoog leh.

Ugu dambeyn waxay NRC sheegtay in dadka barakacay oo ah kuwa nugul ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah, iyadoona ku baaqday in si wadajir ah la’isaga kaashado samata bixinta dadkaasi dhibaateysan.

Tan iyo markii fatahaaduhu ku dhufteen Beledweyne iyo Bardaale ayaa waxaa isa soo tarayey qaylo dhaanta ka soo yeereysay degmooyinkaasi, welina dadku ma helin gargaar ku filan, inkastoo dowladda dhexe ay wado dadaall lagu caawinayo dadkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com