Taliyihii Ciidamada Xoogga General Cirfiid oo is casilay iyo Taliye cusub oo la magcaabay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo shirka Golaha Wasiirada ee Muqdisho ka socdo ayaa sheegayo inuu is casilay Taliyihii Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Jen. Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid).

Wararka ayaa sheegayo inuu Generaalka isaga is casilay isla markaasna ay Golaha Wasiirada ka aqbaleyn.

Waxaa xilkaas loo magacaabay  Jen. Cabdi Jaamac Warsame kadib markii ay sidaas isku raaceyn Golaha Wasiirada.

Waraqadda iyo warbixintaan oo dhameystiran daqiiqadaha soo socdo ayaan idinla wadaagi doonaa Inshaa Allah.

Wixii Warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah./