Taliyihii hore ee NISA oo ay Muqdisho ‘ku weerareen’ ciidamada dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore hey’adda sirdoonka iyo nabadsugida NISA Jeneral Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa ka badbaaday rasaas ay xalay ciidamo ka tirsan dowladda la beegsadeen gaari uu la socday oo marayay isgoyska Miranaayo ee degmada Cabdicasiis. 

Jen. Tuuryare ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil xili lagu rasaaseeyay isgoyska Miranaayada ee degmada Cabdicasiis, wuxuuna tilmaamay in ciidamada rasaaseeyay aaney aheyn kuwii degmadaasi ka shaqeyn jiray, islamarkaana ay yihiin ciidamo cusub oo goobtaas la geeyay xalay kuwaas oo lagu magacaabo Duufaan. 

Wuxuu sheegay Jen. Tuuryare in rasaastaasi lala beegsaday ay aheyd daandaansi si ula kac ah loo sameeyay iyo isku day dil, wuxuuna intaa raaciyay in uu la tashiyo la sameyn doono saraakiisha si jawaabta ku haboon uu uga bixiyo haddii aan laga jawaabin sababta keentay in la weeraro gaadiidkii uu saarnaa.

Isgoyska Marinaayo ayaa xalay la lasoo dhigay ciidamo ka tirsan Dowladda, xili xaafadda Mirinaayo uu halkaasi degay madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, horayna uu u deganaa Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa xiligaan ah mid riman oo mar walba la filan karo dagaal u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka kasoo horjeeda oo xaafadaha Muqdisho qaarkood xirtay.