Agaasimaha Human Rights Watch: Farmaajo wuxuu ku dayanayaa Isaias Afwerki

Wali waxaa isa soo taraya wararka la xiriira ka falcelinta tallaabadii dhawaan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ay wakhtiga ugu kordhiyeen hay’adaha dolwadda federaalka oo ay ugu dareen muddo laba sano ah.

Agaasimaha Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch Kenneth Roth, ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay fariin qoraal ah oo uu ku muujinayo in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku dayanyo madaxweynaha dalka Erateriya oo muddo badan xukunka haya.

“Layaab malahan in madaxweynaha Soomaaliya Maxamaed Cabdullaahi Farmaajo ay Galaha Shacabku u sameeyaan muddo kordhin hal dhinac ah oo laba sano ah xili uu u muuqdo inuu qaadayo wadada madaxweynaha dalka Eratariya Isaias Afwerki isla markaana xukunka haya muddo dheer kaas oo bilooyinkii ugu dambeyay ay noqdeen xulufo aad isugu dhow” ayuu ku yiri qoraalkiisa Kenneth Roth.

Hadalka Agaasimaha Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights ayaa imaanaya xili wadamada beesha caalamku ay siyaabo kala duwan uga hadleen arrinta muddo kordhinta.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdillahi Farmaajo ayaa shalay wadahadallo kula yeeshay Teendhada Afisyooni wakiillada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho. Shirka oo ahaa mid albaabadu u xiranaayeen ayaa labada dhinac uga wadahadleen xaalladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo xiisadda ka dhalatay muddo kordhinta labada sanno ah ee loo sameeyay hay’adaha dawladda federaalka ee waqtigoodu dhamaaday.Balse ilaa iyo hadda lama shaacin qodobbada dhabta ah ee shirkaasi la iskula soo qaaday.

Beesha Caalamku ma khasbi kartaa madaxda Soomaalida?

Barfasoor Ibraahim Faarax Bursaliid, oo ah khabiir falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya, ayaa BBC-da u sharraxay dhowr sababood oo uu fikir ahaan qabo in beesha Caalamku aysan cadaadis xad dhaaf ah ku saari karin siyaasiyiinta khilaafku u dhaxeeyo.

Ugu horreyn wuxuu Prof Bursaliid qeexay in hadda laga soo gudbay xilligii Beesha Caalamku ay hoggaanka u heysay masiirka Soomaalida.

“Beesha Caalamka ee la sheegayo waxay noqon karaan waddamo ay Soomaaliya u wada hadli karaan dal ka dal ama waa urur goboleedyo heer gobol ama heer qaaradeed ah ama waa ururro caalami ah sida Qaramada Midoobay iyo wixii la mid ah, marnaba Soomaalidu kuma khasbana Jamhuuriyad ahaan iyo ka dowlad ahaanba in xaanshi loo soo qoray ay ku dhaqanto ama ay raacdo.

“Waxaad mooddaa in lasoo dhaafay xilligii xukuumadda Soomaaliya ay ku jirtay ku meel gaarnimada oo laga caawinayay dal dhiska, nabadeynta iyo dib u mideyntiiba.

Tan iyo doorashadii 2012-kii waxaad mooddaa in laga baxay ku meel gaarnimadii, sidaas darteedna ay tahay in la xurmeeyo gobanimada iyo madax bannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriyadda,” ayuu yidhi Prof Bursaliid.

Waddada kale ee u furan beesha Caalamka ayuu Prof Ibraahim Bursaliid ku sheegay mid qallafsanaan ku imaan karta.

“Dal walba wuxuu ku sabsan yahay inuu Soomaalida ku xurmeeyo go’aannadooda masiiriga ah, sida uu Shiinuhuba caddeeyay.

Laakiin haddiiba ay noqoto in talooyin gurracan la siiyo waa in loo qariyo oo si hoose oo saaxiibtinnimo leh loogu sheego ama si hanjabaad ah loogu sheego, haddiiba uu jiro dal tun buuran sida Mareykanka, Ingiriiska iyo Turkiga.”

Beesha caalamka ayaa ka soo horjeestay tallaabada muddo kordhinta ah waxaana ay ku goodiyeen inay jawaab ka bixi doonaan haddii aan warkooda la maqlin kaas oo la xiriira in la sameeyo hannaan oggalaanaya in doorasho loo dhanyahay dalka ay ka dhacdo.

Heshiiskii 17 September yaa diiday?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo waraysi siinayay Tv-ga Shabelle ee xaruuntiisu tahay Muqdisho ayaa dhankiisa ku eedeyay maamullada Jubaland iyo Puntland in shirkii natiijo la’aanta ku soo dhamaaday ee ugu dambeyay ay ku soo bandhigeen maamullada JUbalnd iyo Puntland shuruudo cusub isla markaana ay diideen heshiiskii horey loo gaaray ee 17-kii September oo ay ku sheegeen inuu dhacay oo wakhtigiisa laga gudbay.

Madaxweynaha oo la waydiiyay waxa ku kalifi kara inay sidaa dhahaan maadama ay horey u saxiixeen ayaa sheegay in aysna rabin in doorasho ay galaan.

“Waxaa ku kalifi karay saan is leeyahay ma rabaan in ay galaan doorasho xaqiiqatan, maxaa yeelay markii aad loo murmay waxay waxay soo istaageen September 17 maaha sax September 17 waa dhacay wakhtigiisii” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Mr Farmaajo ayaa sheegay in Jubaland iyo Puntland ay ku tala galeen in shirka ay fashilayaan oo aaney dooneyn in la gaaro heshiis wada jir ah si loo aado doorasho maadama ay soo kordhiyeen shuruudo cusub oo qaarkood laga aqbalay qaarna aaney sharci ahayn.

Xigasho: BBC SOMALI