Dowladda Nigeria oo ciidan horleh u soo dirtay Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa soo gaaray ciidamo horleh oo ka mid noqonaya kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM) ee ka howl-gala dalka, kuwaas oo ay soo dirtay Nigeria.

Ciidamada oo ah kuwa Booliis ah ayaa gaaraya illaa 144, waxayna u badan yihiin saraakiil, kuwaas oo soo qaatay tababar la xiriira howl-galka nabad ilaalinta.

Sida uu sheegay isu duwaha howlaha Booliiska AMISOM Daniel Ali Gwambal 30 ka mid ah ciidamadan waxa ay muddo hal sano ah ka howl-geli doonaan gudaha magaalada Beledweyne, halka qaybta soo hartayna ay ka howl-geli doonaan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale isu duwaha ayaa hadalkiisa kusii daray in ciidamadan ay ka shaqeyn doonaan xoojinta nabad-gelyada, isla-markaana ay la howl-geli doonaan Booliiska Soomaaliya.

“Si loo dhammeystiro howl sharciyeedka AMISOM ee lagu taageerayo Soomaaliya si gaar ah Booliiska Soomaaliya waxa ay saraakiishaan ilaalinayaan amniga si ay ula howlgalaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed,” ayuu yiri isu duwaha howlaha Booliiska AMISOM.

Daniel Ali Gwambal ayaa sidoo kale intaasi sii raaciyey “Waxa ay leeyihiin qibrad gudasho waajibaa waxa ay kormeerayaan baraha hubinta & saldhigyada Booliiska ay wada shaqeynayaan”.

Si kastaba saraakiishan ka socda dowladda Nigeria ee ku biiraya howl-galka AMISOM ayaa imaantinkooda waxa uu kusoo aadayaa, xilli xasaasi ah oo ay Soomaaliya ku jirto marxalad adag oo siyaasadeed, taas oo ka dhalatay is mari-waaga ka taagan doorashooyinka 2021.