Farmaajo oo caawa ka dhoofay Muqdisho, halkuu aaday?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka dhoofay Muqdisho, isagoo ku sii jeeda dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, kadib markii sida la sheegay uu casuumaad ka helay madaxweynaha dalkaas Felix Tshisekedi.

Ilo ku dhow Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in safarka Farmaajo uu la xariiro wadahadallo la filayo in laga dhex bilaabo hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Kenya, maadaama labada dal ay si toos ah xiriirka isugu jareen.

Madaxweynaha dalka Congo oo hadda ah madaxa ururka Midowga Afrika oo ay xubno ka yihiin Soomaaliya iyo Kenya ayaa casuumay Madaxweyne Farmaajo, sidoo kale waxaa la sheegay in todobaadkan gudihiisa uu qaabili doono Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Farmaajo oo lagu waday in gelinkii dambe ee maanta uu ka dhoofo Muqdisho ayuu safarkiisu dib u dhacay, kadib markii ay ka soo daahday diyaaradii qaadi laheyd oo laga soo diray dalka Congo, taas oo caawa fiidkii soo gaartay Muqdisho.

Wararka aan heleyno waxay intaas ku darayaan in Farmaajo markii uu u soo dhamaado safarka uu caawa ugu baxay dalka Congo uu ka sii aadi doono dalka Itoobiya, halkaas oo uu kula kulmi doono ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo ay saaxiibo dhow yihiin.

Waa safarkii ugu horeeyey ee Farmaajo uu dalka uga baxay tan iyo 8-dii Febraayo markii uu dhamaaday mudo xileedkiisa, isagoo dhawaan mudo kordhin laba sano ah sameystay, taas oo weli u socon la’.