Banaanbax xooggan oo ka billowday xaafadda Shiirkole

Muqdisho (Caasimada Online) – Banaanbax xoog leh ayaa hadda ka bilaawday xafadda Shiirkole ee degmada Hodan, halkaas oo uu gedan yahay Jeneraalkii ay Farmaajo isku dhaceen ee Saadaq Joon, waxaana dhigaya banaanbaxaan dad u badan dhalinyaro.

Banaanbaxaan ayaa looga soo horjeedaa madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxayna dadka dhigaya ku qeylinayaan erayo ay ka mid yihiin “Kaligi taliye dooni meyno, hoggaamiye kooxeed dooni meyno, sharci jebiye dooni meyno, doorasho diid dooni meyno”.

Xaafadda Shiirkole waxay noqotay aag u xoreysan taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Joon oo ay isku dhaxeen Madaxweyne Farmaajo.

Markii laga reebo halka wado ee ka leexata isgoyska Balaaksii ee aadda isgoyska Shiirkole, wadooyinka kale ee gala xaafadaas waxaa lagu jaray Carro, waxaana difaac uga jira ciidamo daacad u ah, Jeneraal Saadaq Joon.

Ugu yaraan laba habeyn oo lasoo dhaafay ayaa la sheegay in dowladdu qorsheyday inay Shiirkole ku weerarto Saadaq Joon, balse ma suurta gelin.

Xalay waxaa tegay xaafadda Shiirkole oo shir jaraa’id ku qabtay xildhibaano ka soo jeeda beelaha Hawiye, kuwaas oo ku goodiyey in gacmaha aysan ka laaban doonin hadii dowladdu ay isku daydo inay soo weerarto Shiirkole iyo Saadaq Joon.

Xaaladda Caasimadda Muqdisho ayaan cago  badan ku taagneyn, tan iyo markii uu mudada xilheyntiisa laba sano ku darsaday madaxweyne Farmaajo, waxaana laga cabsi qabaan inay Muqdisho ka bilaawdaan isku dhacyo hubeysan.