Taliyihii hore NISA oo war ka soo saaray dil ciidamada DF ay u gaysteen walaalkiis

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka, General Cabdiraxmaan Maxamed (Tuuryare) ayaa ka hadlay dil saaka wiil ay ilmo adeero ahaayeen loogu geystay gudaha suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Abuukar Tuuryare ayaa waxaa toogtay ciidamo ku sugnaa isgoyska Siinaay, sida ay xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ah.

Qoraal uu Genaral Tuuryare soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa wuxuu ku sheegay in geerida Maxamed ay u xanuunjisay sida curadkiisa oo dhintay kale.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay marxuumka oo dhalinyaro ahaa uu isagu soo bar-baariyey, islamarkaana uu qorshihiisu ahaa in sanadkaan uu bilaabo Jaamacadda.

“Alaha u naxariisto wiil firfircoon oo aan gacanta ku haayay aana barbaariyay sanadkaana Jaamacada gelaaya ayuu ahaa oo ubax soo baxaaya ah, saaka curudkeygi oo dhintay oo kale ayay ii xanuunjisay geeridiisu ama iiga darantahay, aabihiisna alaha asna u naxariistee qaali ayuu igu ahaa oo jaceylka aan u qabo ayaa halkaas kasoo jeeda oo aan ka shinsanaayay.” ayuu yri taliyihii hore ee ciidamada nabad-sugida Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in marxuumka ay dishay gacan ka xaq-daran oo ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Alaha u naxariisto walaalkey Maxamed Abuukar Tuuryare oo saakay gacan ka xaqdarani dishay, kuwaas dilay oo ka tirsan ciidanka Dowlada.”
ويا حزناه،،،،،،،،، انا لله وانا اليه راجعون…