TALO-QARAN: Madaxweyne maya beelaha Hawiye iyo Daarood

Talo Qaran somaliyeed

KU. Xubnaha Golaha Barlamanka cusub ee imaan doona Somalia.

KU.  Dhamaan Hogaan dhaqameedyada ummadda Somaliyeed.

OG.  Dhamaan Culimada, Aqoon yahanada iyo Siyasiyiinta umadda Somaliyeed.

OG. Dhamaan Hoyoyinka, dhalinyarada Gabdho iyo Wiilal umadda Somaliyeed.

OG. Dhamaan Ganacsatada umadda Somaliyeed.

OG. Dhamaan qurba joogta umadda Somaliyeed.

OG. Dowlad Gobaleedyada Somaliyeed.

Hordhac

Beelaha Hawiye iyo darood waxay ka midyihiin beelaha waa weyn ee Somaliya, beelahan waxay leeyihiin mar hore iyo haddaba dad ummadda Somali wax weyn u soo taray oo qiimo iyo sharaf weyn ku leh sida Beelaha kale ee Somaliyeed.

Beelahan waxay leyihiin Culumo, Aqoonyahano, Dhalinyaro, Haween iyo siyasiyiin Dalka, dadka iyo Diinta ku weyntahay wax badan u soo qabtay, haddana wax badan qabanayo, waxtar iyo wax gal weyna u leh mustaqbalka Dadka iyo dalka Somali sida beelaha kale ee Somaliyeed.

Sababaha ku diidanahay Madaxweyne Darood iyo Hawiye

Waxan soo qadan Madaxweyneyaashi iyo Hogamiyeyaashi dalka soo maray ee wada shaqeynta ka dhexeysay ee soo maray dalka Somali tan iyo xornimaddi kana soo jeeda beelaha Hawiye iyo Darood ee khilaaf siyasadeed  ku kala tagay ama ku fashilmay hoganka dowladnimo ee dalka Somalia

Hogamiyeyashaas inta dhimatay Ilaahay u naxariisto hana u dambi dhaafo dhamaan, waxaan u soo qaaday Tariikh dib in loo xuso, waxna laga barto iyo fikirka ah in waqtigan hogamiye beelaha kale ee Somaliyeed in loo doorto Madaxweyne cusub ee Somaliya yeelan doonto.

>Madaxweyne Adan Cabdulle V Cabdirashiid Cali sharmarke

>General Siyaad Barre V General Salaad Gabayre

>Cabdiqasim Salaad V Cali Khaliif Galayr.

>Korneyl Cabdulaahi yusuf V Cali maxamed Geedi

>Sheekh Shariif V Farmaajo

Xasan Sheekh Maxamuud V saacid iyo Cabdiweli sheekh Axmed

Beelahan waxay ka midyihiin umadda Somali xaq bay u leyihiin in ay dalka madaxweyne ka noqdaan siday horey ooga soo noqdeen, Mustaqbalkana ooga noqdaan.

Lakiin aniga taladeyda iyo Fikirkayga ah in Madaxweynaha la dooran sanadkan Somaliya in uusan ka imaan beelaha Darood iyo Hawiye ma aha mid ku salaysan naceeb iyo xumaan aan si gaar beelahan ugu hayo, Runti iyo xaqiiqdi waa talo iyo fikir aan isleeyahay dalka iyo dadka Somali ayey wax tari nabad, dowladnimo iyo xasilooni hogaan siyaasad oo degan u keeni dontaa Somalia, maslaxo guud oo Somalinimo, Walaalnimo, midnimo iyo wadajir leh lagu heli karaa lagu heli donaa Insha-Allaah.

Waxaa dhici karta in fikirkayga sax ama qalad noqda, haddana inta Tariikhda Somaliya aan ka ogahay tan iyo inta xornimadi la qaatay xukunka iyo hogaanka dalka Somaliya waxaa hormuud ama madaxweyneyaal ka soo noqdey kaliya Beelaha Hawiye iyo Darood, haddana sida aan Tariikhda ku hayo ama anigaba goob joog u soo ahaa nolosha, Madaxweyneyaasha ama Hogamiyeyaasha ka soo jeeda beelahan hogaminta siyasadeed ee Somaliya waxaan dhihi karaa ama qabaa in ay ku guul daraysteen Hogan siyasadeed oo degan, cadalad iyo wadashaqeyn wanaagsan iyo is faham hufan leh in dalka iyo dadka Somaliyeed u horsedaan, waana taas  sababta salka u ah  fikirkaygan Talo Qaran

Siyasiyiinta Hawiye iyo Siyasiyiinta darood maxay ka simanyihiin.

>khilaaf siyasadeed oo joogta ah markasta dhexmara hogamiyeyaasha beelahan.

>Loolan  ama xaqiiltan joogta ah oo mar walba u dhexeeya Hogamiyeyaasha beelahan.

>Xaga Cadaladda iyo wax qeybsiga xukunka iyo kheyradka Dalka aysan ku Fiicnayn hogamiyeyaashi soo maray dalka ee ka soo jeeday beelahan.

>Xukun jecel, Tanasul la’aan, danta shaqsi, koox, juffo iyo danta Qabiil oo ay ka hormariyaan danta Qaran iyo dowladnimo ee Dalka iyo dadka somaliyeed

>Loolanka siyasadeed, damaca iyo fikirka qabka xambarsan ee labadan belood mid walba aminsanyahay oo ah idinka ayaa Somaliya u badan, wax u ah iyo wax ka ah ayaa waxay sababtay in hogamiyeyashoda dalka soo maray khilaaf siyasadeed ku fashilman oo danta guud ee dowladnimada, qarannimada, midnimada iyo wadajirka walaalnimo ee Somaliweyn ilaalin wayeen.

Afeef. Taladan qaran iyo fikirkan wax yaalaha aan sal ugu dhigay ee dhaliilaha ah ma aha kuwa aan ku eedaynayo ama ku sifeynayo dhamaan Shacabka Beelweynta Hawiye iyo Dhamaan Shacabka Beelweynta Darood ee walaalaha somali ah sharafta leh waa kuwa aan oola jeeda Hogamiyeyaashi dalka soo maray ee beelahan ka dhashay wixi aan ka barangay iyo in wadanka Hooyo ee Somaliya loo helo hogamiyeyaal ka duwan jidki siyasadeed ee fashilmay waqti dheerna la soo hayey ilaa xornimaddi 1960 taas oo ah in Madaxweyne soo socda ee Somaliya sanadkan laga soo xusho Saddexda belood kale ee Somaliyeed ah Digil iyo Mirifle, Dir iyo beesha Shanaad.

Saddexdan belood ee Somaliyeed jeclaan gooni ah, cadaalad iyo xukun wanaag gooni ama wanaag gooni ah oo aan isleeyahay iyaga ayey gaar u tahay ma jirto Lakiin Somalida waxay dhehdaa (Dabki lagu gubto ayaa dambaskiisa laga leexda) hadan si kale u dhigo qofka Muslimka ah god saddex jeer lagama qaniino

Taladan qaran iyo fikirkan waa mid aan isleeyahay dalkada iyo dadkada Somaliyeed wax ugu tar si looga baxo dhibaatada dheraatay ee qabyaladda, colaadda. Isnaceebka,isqab-qabsiga siyasadeed, Khilaafka siyasadeed, musuqmasuqa Qaxa iyo qaxiitinimada dhibkan faraha badan, xanuunka badan ee dhamaan ummadda somaliyeed ku dhacay, ku habsadey waqtiga dheer.

Gabagabo. Qofkasta Somali ah Taladan iyo Fikirkan igu raacsan iyo qof kasta Somali Taladan iyo fikirkan igu diidan waa soo dhoweynaa qof kasta fikirkiisa iyo taladiisa in ummadda Somaliyeed u soo bandhigo xor ayuu u yahay taladas iyo fikirkas hala qaato ama yaasan la qaadan,.

From Boorama to Baydhabo, Cerigaabo to ceelwaaq, Bardheere to Berbera

Buurhakaba to Bosaaso, Afgooye to Ceelafweyn, Jamaame To Jowhar, Lasqoray to Luuq

Qardho to Qoryoley,  Saylac to Saakow, Burco to Baraawe, Gabilay To Garoowe.

Buhoodle to baladxaawo, Hargaysa to Hobya, Kismaayo To Kalabayr, Somaliweyn To Mogadishu.

Somaliyey waxa naga dhexeeya ee aan wadaagno sida Islamnimo iyo Diin, Dhalasho, dhiig, Af iyo dhaqan, Dhogar iyo muuq, dhul iyo wadan ayaa ka weyn kana culus, kana muhiimsan waxa aan isku qilaafsanahay ee hala  isku tanasulo, hala is walaalsado, hana la midooba hana la is cafiyo.

Waxaan Allaah(SWT) kawada baryeynaa in ummaada Somaliyeed dhibatada, qabyaladda, colaadda ka qaado Ilahay ummaadda somali dhexdeeda dhigo isjeclaan walaalnimo, Emaan iyo Islaamnimo saalix ah oo cibaado iyo cabsi Allah leh, Qaran iyo dowladnimo Somaliyeed oo hogaan daacad ah , Cadaalad leh nabad ummadda Somali oo dhan deeqdo u horseedo Allaah hana siiyo, Amiin, Amiin.

Waxaa qorey S.D.Osman, Email S_dubow02@hotmail.com