Daawo Sawirro quruxbadan oo laga soo qaaday Hoolka uu ka furmi doono shirka IGAD

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka socda diyaar garowgii ugu danbeeyay ee shir madaxeeda IGAD, kaasi oo furmi doona maalinta beri ah.

Hoolka uu ka furmi doono shirka oo ku yaalla Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu hardhay calaamada IGAD iyo calanka 7 dal ee ku bahoobay Urur goboleedka IGAD.

Agagaarka hoolka uu ka furmi doono shirka ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo aad u xoogan kuwaasi oo ka kooban dhowr nooc oo loogu tallo galay inay sugaan amniga Madaxda iyo Goobta shirka uu ka furmi doono maalinta beri ah.

Ciidamada ayaa si aad u adkeeyay amaanka wadada Maka Al-Mukarama oo aanay wax gaadiidka ah loo ogoleyn, waxaana sidoo kale la sheegay in saacadaha soo socda ciidamo hor leh lagu daadin doono xaafadaha degmooyinka ku hareereysan Garoonka Aadan Cadde si aan halkaasi looga soo tuurin Hoobiyayaal.

Sidoo kale, wadada Makka Al-mukarama ayaa waxaa goordhow lagu hardhay Boorar lagu xayaysiinayo shirka madaxeedka IGAD ee Muqdisho ka dhici doona maalinta beri ah.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Somalia ayaa sidoo kale xaqiijiyay in shirka ay isla shir guddoomin doonaan Madaxweynaha Somalia, Madaxweynaha Kenya iyo Ra’isul wasaaraha Ethiopia.

Madaxda IGAD ee lagu wado inay shirka ka soo qeyb galaan ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynayaasha Uganda, Kenya, Jabuuti, South Sudan iyo Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia.
igad-1
igad-2

igad-1

igad-3