Gaas oo 3 sababood uga tagi la magaalada Muqdisho oo ay Hogaamiyayaasha ka dhoofen

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa diiday inuu ka tago magaalada Muqdisho kadib markii ay Hogaamiyayaashii lamid ahaa dib ugu laabteen deegaanadii ay ka arriminayeen.

C/wali Gaas ayaa la sheegay in socdalkiisa magaalada Garoowe uu u baajiyay kadib markii Madaxtooyada Somalia ay Hogaamiyayaashii ku laabtay Goboladooda ku amartay inay dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho si dib loogu laabto shirka Madasha ee fashilmay maalin un ka hor.

Joogista C/wali Gaas ayaa loo sababeeyay Seddex arrin oo kala ah, Inuu kamid noqon doono madaxda ka qeybgaleysa shirka IGAD, Inaanu dib usoo laaban karin mar haddii uu ka dhoofo magaalada Muqdish iyo inaanu magaalada ka tagikarin iyadoo aan xal loo helin is fahan’waaga weli ka taagan shirka Madasha oo lagu kala tagay.

Madaxweyne Gaas waxa uu sheegay inaanu raali ka aheyn in laga nusqaamiyo tirada Puntland loogu kordhiyay Aqalka Sare, balse waxa uu taasi ka doorbiday in dib loogu laabto go’aanka dastuurku dhigaayey ee ahayd 54, kuwaas oo laga saarayo dhamaan xubnaha shirkii u danbeeyey lagu darey ee Somaliland iyo beelaha Banaadiriga.

Warbaahinta ayaa loo sheegay in xubnaha lagu qaybiyey Dowlad Goboleed 6 ah taas oo tirada Xildhibaanada ka dhigaysa 48, halka 6 Xildhibaan ee soo hartey loo kala qaybiyey Puntland iyo Somaliland sida saddex jeer oo hore lagu heshiiyey.

Waxaa lagu waday in maanta oo Isniinta ah ee Ciidda in qalinka lagu duugo heshiis rasmi ah ka hor shirka IGAD, waxaana soo baxaaya in mashquul jira dartii aan maanta loo saxiixin Heshiiskaani cusub.

Warar kale ayaa sheegaya in Hoggaamiyaasha Madasha Sare ay maalinta Arbacada ah saxiixayaan, iyadoo lagu wado in maalinta Arbacada ka hor ay dib ugu soo laabtan magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa ah kii u danbeeyey ee ay isugu yimaadaan Madaxda Xilku ka dhamaadey ee Federaalka iyo hoggaamiyaasha maamul goboleedyada, ma jiro shir kale oo Madashu dib isugu soo noqonayaan wixii hadda ka danbeeya waxaa la guda galayaa Doorashada.

Dhinaca kale, C/wali Gaas keligii ayaa iminka ku sugan magaalada Muqdisho waxa uuna ku taamayaa inuu qeyb ka noqdo shirka IGAD.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com