Arrg sawir dareen leh oo laga sameeyay Ciid la’aanta ku dhacday shacabka MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaan maanta si fiican looga ciidin magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, kadib markii ay dowlada Federaalka xirtay inta badan waddooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho.

Waddooyinka la xiray ayaa waxaan isticmaalin inta badan dadka shacabka ah, waxa ayna tani cadeyn u tahay in shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho aysan maanta oo ciid ah aysan is bariidin misna isa salaamin, sababo la xiriira waddooyinkii ay ku kala gooshi lahaayen gaadiidka oo u xiran dowlada.

Ciidihii ka horeeyay ciidaani waxa ay shacabka Soomaaliyeed isku booqan jireen xaafadaha, hayeeshee waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay ciid aan xaafadaha leysku booqan.

Dadka ayaa u kala socdaali jirayn magaalada gees ka gees iyaga oo raacaya gaadiidka BL-da iyo kuwa raaxada ah, hayeeshee waxa ay waddooyinkii lamari lahaa ay u xirnaayen ciidamada dowlada.

Sawir Gacmeed uu sameeyay farshaxaniistaha caanka ah ayaa waxaa lagu cabiray sida dadka shacabka ah ee ku dhaqan dalka aysan maanta ugu farxin ciida iyaga oo taasi bedelkeeda sheegaya in ciida loo joojiyay ninka lagu magacaabo Gebra aawgii, sida ku xusan sawirka.
ciidda