Roma (Caasimada Online)Wakaalada Wararka AFP ayaa maanta oo Jimco ah qortay in booliska dalka Talyaaniga ay xireen nin Soomaali ah oo la sheegay in door ku lahaa doon ku degtay xeebaha jaziirada Lampedusa oo ay ku dhinteen 336 qof.
Ninkan oo ah 24-jir ah ayaa la qabtay isagoo joogay xer ka mid ah xerooyinka la dajiyay dadkii la socday dooni ku degtay xeebaha Talyaaniga seddaxdii bishii October ee sannadkan.
Waxaa gartay ninkan oo aan magaciisa la sheegin dadkii la socday doonta ku degtay xeebaha Talyaaniga, waxaana wariye ka tirsan BBC-da oo ku sugan Roma Allan Johnston uu soo sheegay in inta aan la xirin ninkan dadkii meesha joogay ay dhaheen waan dileynaa.
Waxaa lagu eedeeyay inuu ka mid ah kooxo maleeshiyo oo ku sugnaa Libya kuwaasoo hablaha kufsan jiray isla markaana lacago baad ah ka qaadi jiray dadka socotada ee ku sugan dalka Libya.
Afhayeen u hadashay booliska magaalada Palermo ee gobolka Sicily ee dalka Talyaaniga ayaa sheegtay in ninka la aqoonsaday xilli su’aalo la weydiinayay dadka soo galootiga ah ee ka badbaaday musiibadii Lampedusa.
Waxay tilmaantay in sidoo kale lagu eedeeyay gabbood-fallo dhinaca galmada ah.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi