27.9 C
Mogadishu
Saturday, January 17, 2026

Tarsan oo arrin yaab leh soo jeediyey “Madaxweynaha iman doono ha laga iibsado qabiilkiisa”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Somalia Maxamed Axmed Nuur ”Tarsan” ayaa qoraal uu kusoo daabacay Beejkiisa Faceboog ku sheegay in Madaxweynaha imaan doona laga iibsado Qabiilka uu kasoo jeedo.

Tarsan waxa uu sheegay in waayadii danbe ay soo kordhayeen Madaxweynayaasha ku sifoobay qabyaalada ee u xagliya Beelahooda, si taa looga badbaado ayuu sheegay inay muhiim tahay in Madaxweynaha imaan doona laga iibsado qabiilkiisa.

Tarsan waxa uu tilmaamay in reerka uu kasoo jeedo Madaxweynaha imaan doono lasiiyo Diyo u dhiganta 100 Halaad, sida uu hadalka u dhigay.

”Waxaa waayadaani danbe nasoo maraayay Madaxweynayaal mooda inay Madaxweyne u yihiin reerkooda. taa waxay keentay in Hay’adihii Dastuuriga uu kawada dhigo kuwo ay Jufadiisu leedahay”

Si taa looga baxo ayuu Tarsan soo jeediyay in Madaxweynaha imaan doona laga iibsado reerkiisa si buu yiri uusan u yeelan Jufo uu ka tallo qaato ama uu buun-buuniyo.

Haddalka Tarsan ayaa imaanaya xili inta badan Madaxweynayaasha kusoo baxa Doorashada Somalia ay dhabarka danbe ka maraan Beelaha ay kasoo jeedan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News