29.9 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

TARSAN oo shaaca ka qaaday dhibaatooyin ka dhex taagan Xarumaha dowladda Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmaha lagu jiro gasha ka baxsan tahay Seefta Xisbiyada Siyaasada dalka, ayaa waxaa wali soo baxaaya dhaliilo kala duwan oo ay jeedinayaan Xisbiyada Siyaasada.

Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, oo mar kale ka hadlaayay shaqooyinka ka socda Xafiisyada Dowlada ayaa sheegay in ilaa iyo hadda uusan arag wax la yiraahdo Xafiis Dowladeed.

Tarsan waxa uu sheegay kaliya inay u muuqdaan Xafiisyo ay leeyihiin Beelo gaar ah balse loo muuqaal ekeysiiyay Xafiisyo Dowladeed.

Tarsan waxa uu cadeeyay in isaga wax laga weydiinaayo mas’uuliyada qaabka ay u shaqeeyaan Xafiisyada Dowlada, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in Dowlada oo idil ay ka taliyaan Beelo gaar ah, islamarkaana ay u taliyaan beelo farakutirisa, halka beelaha kalane ay yihiin kuwa ka gadoodsan qaabka ay Dowladu u shaqeyso.

Sidoo kale Tarsan waxa uu tilmaamay in Xafiis waliba oo Dowladeed mas’uulka ugu sareeya dad ku hayb ah inay buuxaan oo ay joogaan Xafiiskaasi taasina ay muujinayso in Xafiiska uu yahay Xafiis qabiil islamarkaana uu ka fog yahay Xafiis Qaran.

Boqolaal qabiil ayuu sheegay inaysan ka howlgalin Xafiisyada Dowlada kuwaasi oo lagu sameeyay midab-takoor islamarkaana laga ciribtiray Xafiisyada qaar, sababo la xiriira Beelahooda oo aan xilal ka heyn Dowlada.

Waxa uu sidoo kale Tarsan intaa raaciyay hadalkiisa inay jiraan Kumanaan aqoonyahano ah oo aan ka shaqeyn Xafiisyada Dowlada kuwaasi oo uu sheegay inay ku baxeen nidaamka 4.5 iyo iyaga oo aan heysan dad ka faa’iideysta aqoontooda bacdamaa Siyaasada Dowladuba tahay ”Nin waliboo reerkaada dhiisha u cug”

Haddalka Tarsan ayaa imaanaya xili Dowlada Somalia ay kusii dhiiraneyso inay kusii shaqeyso nidaamka Soomaalida duleystay ee 4.5.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News