Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu socdaal shaqo ku gaari doono magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Socdaalka uu Xassan Sheekh halkaasi ku gaari doono ayaa waxaa lasoo warinayaa inay ku wehlin doonaan Wasiiro iyo Xildhibaano kasoo jeeda Gobolka Hiiraan.
Ujeedka socdaalka Xassan ee Beledweyne ayaa ah mid la xiriirta qancinta beelaha Gobolkaasi kasoo jeeda oo isaga soo baxay shirka ka socda magaalada Jowhar.
Ergada Gobolka Hiiraan ee qeybta ka ahaa shirka Jowhar ayaa iminka wali ku sugan magaalada Beledweyne tan iyo markii ay kasoo carooden hanaanka ay Dowladu u maamuleyso shirka Jowhar ee maamulka loogu dhisaayo Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Dhanka kale, waxaa magaalada Beledweyne iminka gaaray Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar oo la sheegay inuu hordhac u noqonaayo wafdiga Madaxweynaha.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]