Thaabit Cabdi oo ku baaqay inaan la marin habaabin kiiska qaraxii gobolka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa qoraal kasoo saaray qaraxii dhawaan ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa Shacabka ugu baaqay inay is dajiyaan isla markaasna aan la marin habaabin Kiiskaan.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook

Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Caasimadda wuxuu u ahaa usbuuc murugo badan. Waxaan luminnay dad muhiim u ahaa geedigeenna soo kabashada, rajada mustaqbalka iyo halganka horumarka. Allaha u naxariisto dhamaantood, inta dhawaca ah ee uu ku jiro walaalkeen Gud Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) Allaha caafiyo.

Waxaan arkaa su’aallaha faraha badan oo ay shacabku iska weydiinayaan dhacdadii xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, waxaa jira walaac badan oo la xiriira sida ay wax u dhaceen, waxaana muuqata in hay’addaha amniga looga fadhiyo warbixin faah faahsan iyo talaabooyin cad cad. Markii noogu dambeysay xarunta Dowladda Hoose dhamaan waxaa shaqeynayay kaamirooyinka CCTV-ga kuwaas oo ku xirnaa Albaabka koowaad ee laga soo galo xarunta ilaa iyo hoolka shirarka oo ay mashaqadu ka dhacday. Taasi waxay ka dhigantahay in baaritaanku fudud yahay oo caddeymo raad-raac leh la heli karo.

Shacabku waa in ay is dejiyaaan oo aan natiijada laga hordhicin, sidoo kalena aan kiiska la marin habaabin. Waxaan ku kalsoonahay in arrintani ay wax badan kaga duwanaan doonto dhacdooyinkii hore madaama raad-reeb (CCTV) la heysto. Sida ay noqoto natiijadda baaristan, waxay fasiri doontaa heerka kalsoonida laamaha amaanka iyo sida ay Xafiisyadeenna Sare u yihiin goobo aamin ah. Waxaan ku talinayaa in masuuliyad dheeraad ah la iska saaro baarista oo aan marnaba la sahlan.

Caasimada Online
Xafiiska Mudqdisho
caasimada@live.com