TIGRAY-ga oo qabsaday magaalo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Amxaarada

Dessie (Caasimada Online) – Ciidamada federaalka Ethiopia ayaa ka baxay magaalada muhiimka ah ee Dessie oo ka tirsan gobolka Amhara balse xuduud la leh gobolka Tigray kadib dagaal xooggan oo dhacay, waxaana qabsaday mucaaradka Tigray. 

Qabsashada Dessie ee TPLF ayaa dhabarjab weyn ku ah dowladda federaalka Ethiopia oo muddo sanad ku dhow dagaal kula jirtay Tigrayga.

“Qiyaastii 2:00 am, ciidamada federaalka ayaa billaabay inay dib uga gurtaan aagga,” waxaa sidaas AFP u sheegay Amir oo degan Dessie, kaasi oo diiday inuu shaaciyo magaciisa oo buuxa. 

Dagaal-yahanada TPLF “ayaa soo galay magaalada, mana aragno wax ciidamada federaalka Ethiopia ah,” waxaa sidas yiri qof kale oo degan magaalada oo magaciisa kusoo koobay Mohammed. 

TPLF ayaa sheegtay inay hadda si buuxda gacanta ugu hayso magaalada Dessie. 

Dagaal-yahanada waxay ciidamada federaalka dib uga riixeen Dessie, waxayna ku wajahan yihiin magaalada Kombolcha, waxaa sidaas Reuters u sheegay Getachew Reda oo ah afhayeenka TPLF.

Getachew ayaa intaas ku daray inay qabtay askar badan oo ka tirsan ciidanka federaalka Ethiopia. 

Legesse Tulu oo ah afhayeenka dowladda Ethiopia waa uu diiday inuu wax jawaab ah bixiyo mar ay la xiriirtay Reuters.

Qabsashada Dessie ayaa ah guul istaraatiiji ah oo ay Tigray-ga ka gaareen ciidamada federaalka oo isku dayayey inay gobolka Amxaarada ka xorreeyeen.

Dessie ayaa 400 km waxay waqooyi kaga beegan tahay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia.