Axmed Madoobe oo xil sare u magacaabay guddoomiyihii hore ee gobolka NUGAAL

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta magacaabay guddoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa Magaaladaas.

Wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha ayaa waxaa xilkan loogu magacaabay Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed.

Masuulkaan ayaa hore Xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda Goboleedka Puntland, isagoo mar soo noqday Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada Puntland xiligii Xukuumaddii Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole).

Sidoo kale, Col. Cumar Faraweyne, wuxu soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Nugaal xilligii XukuumaddiiCabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Alle ugu baryay mudanaha in uu u dhib yareeyo masuuliyada culus ee loo egmaday.

Dhinaca kale, Axmed Madoove ayaa Bashiir Maxamed Baahale u Magacabay Hanti dhowraha guud ee Jubaland. Sidoo kale waxaa Madaxweynahu uu u magaacabay Cabdicasiis Maxamed Xasan Xisaabiyaha guud ee Jubaland.