Beledxaawo (Caasimada Online) – Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo oo u dhaxeeyey ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland, tiro intaas ka badana waa ku dhaawacmeen dagaalka.
Dadka dhintay ayaa u badan ciidamada dhinacyadii dagaalamay, sidoo kale waxaa jira dad shacab ah oo wax yeelo ay ka soo gaartay dagaalka, iyadoo ciidamada taabacsan Jubbaland ay ku guuleysteen inay la wareegaan magaalada.
Cabdirashiid Janan oo dowladda federaalka Soomaaliya ay u diray gobolka Gedo oo hadlay ayaa sheegay in dagaalkii maanta uu soo abaabulay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, isla markaana ciidanka dowladda uu ku amray in aysan gelin dagaal sokeeye oo sida uu sheegay Axmed Madoobe uu ka hurinayo gobolka Gado, gaar ahaan degmada Beledxaawo, isagoo tacsi u diray dadkii maanta ku dhintay dagaalka.
“Waxaan aad uga xumahay in eedeysane Axmed Madoobe uu dadkeyga isku diro, maanta waxaa dhacday nasiib darro uu muddo ka shaqeynayey ninkaasi, dhaqaale ayuu ku bixiyey in reer Gedo ay is laayaan, maanta ayuu ku guuleystay, waana ka xumahay waxa dhacay,” ayuu yiri Janan.
Wuxuu sheegay in Beledxaawo uu u tegay in ciidamada dowladda ee halkaas jooga uu xuquuqda u soo saxo, kadib markii loo diiday inay halkaas ka degaan saraakiil ay dowladdu u dirtay.
“Waxaan is weydiinayaa sababta ay dadka u leynayaan wiilasha uu afduubka u heysto Axmed Madoobe, wax uu siiyo malahan, baahi kasta oo qof dareemo ayaa heysata ciidanka Jubbaland, maanta wuxuu ciidankii weerarka soo qaaday u soo diray lacag uu ugu talagalay in dadkeygu ay isku laayaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdirashiid Janan.
Dhankooda, siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku midoobay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in colaada uu Xasan Sheekh ka hurinayo Gobolka Gedo ay khatar galinayso dadaalada Dowlad dhiska Soomaaliya ee xiliga fog soo bilowday, sida ay hadalkooda u dhigeen.
“Shirkii 25-kii Juun 2025 Muqdisho ku dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxaa qodobbadii shirka ka soo baxay ka mid ahaa adkeynta midnimada dalka iyo dadka, xoojinta amniga, iyo la dagaalanka argagaxisada,” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha.
Madasha Samatabixinta waxay ayaan darro ku tilmaameen in balantii ay la galeen Madaxweynaha beddelkeedii ay Dowladda Federaalku colaado iyo dagaallo sokeeye ka hurineyso gobolka Gedo, kuwaas oo halis-galinaya amniga, nabadda, iyo xasilloonida dadka iyo deegaanka, waxna u dhimaya dadaallada nabadeed ee dowlad-dhiska iyo dib-u-heshisiinta bulshada Soomaaliyeed, sida lagu yiri qoraalka.
War-saxaafadeedka ayaa intaas ku sii daray, “Madashu waxay ka xuntahay in ciidamadii Qaranku ay maanta isku laynayaan dagaal siyaasadeed oo ay huriyeen madaxda Dowladda Federaalka, oo fursad hor leh siinaysa cadawga ummadda Soomaaliyeed, halkii laga sugayay in ay ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed u abaabusho sidii dalka looga xorayn lahaa argagixisada arxanka daran ee ku soo duushay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.”
Wararkii ugu dambeeyey ee Beledxaawo aan ka heleyno waxay sheegayaan in Ciidamada Dowladda Federaalka ay isugu tageen xerada UK oo duleedka degmadaas ay markii horaba ka deganaayeen, halka Cabdirashiid Janan oo diyaaradii keentay ku laabtay markii uu dagaalku bilowday.