Tix Cajiib ah oo laga tiriyay gardarada Yuhuudda ku heyso Falastiiniyiinta.

Falastiin iyo dilka ku dhacay dad aan waxba galabsan oo haddana ‘aan isdifaaci karin, muslimna ah. Ayaan ka tiriyay tixdan.

Falastiin Dhibaatiyo waxii dhaawac loo gaystay

Dhalinyariyo waayeel waxaan midna la’dhaafaynin

Dhamaantood Haweenkii ubadkii la’dhaafsiiyay

Dhalaankiyo caruurtuba waxay wada dhaqaaysay

Dhaayahooda sharafta leh waxay ilini Soo dhaaftay

Dhar la’aan waxay haysato dhaxani ay goysay

Dhiiliyo colaad loogu daray baladii loo dhaanshay

Dhalanteed wax loo laayay oo dhuuni loo diiday

Dhulka oogadiisana dhiigoodu badi qooyay

Dhurwaagii Yuhuudigu waxuu dhacayay ciidooda

Dhamaan reer galbeedkuna, dhacan garab ku siinaayay

Dharaartiyo habeenkaba waxay Qudus dhibaatootay

Dhulkan aan ku noolahay naxdini way ka dheertahaye

Dhugta oo bal daya, bariga dhexe dhool ayaa da’aye

Afartaa dhambaal aan u diray dhibir-fayow uun dheh,

Afarkalana waa mid’aan dhacdadan samir ku dhaafsiiyay

Dhafoorkaygu wuu taagmayoo waan ka dhiidhiyaye

Dhambaal baan ka qorayaa, dulmiga dhaayahay aragye

Dhanka Eebahaybaan baryada dhaaxo joogtayne

Dharaartiyo habeenkaba qalbiga waan ku dhigayaaye

Dhursugaay qiyaamaa dhawoo maalinbaa dhigane

Afartaa dhambaal aan u diray dhibir-fayow uun dheh,

Afarkalana dhaliilaha jiraan soo banana dhigiye.

Dhaayahaan idiin saarayaa dheygag loo go’aye

Dhiciskaba intii loo socdaa noloshu dhaaftaaye

Inkastoo islaamkaba dhamaan, Dhiilo wada gaadhay

Dhalashada kuwii ugu xigaa looga soo dhacaye

Dhedig kuwo la’moodaa ku sugan dhinacyadoodaase

Dhuglaawayaashaa carbeed, way dhutinayaane

Dhaqaaliyo markuu Eebahay Dheeman wada siiyay

Dhamaantood barwaaqada aduun dhuunta loo galiyay

Dhaqashiyo inay sii badshaan dheesha mooyaane

Dhuganwaaye falastiin dhibkiyo, dhiifta lagu reebay

Dhacdadii la’yaablehi Naflahay dhaxal u reebtaye

Dhoohane haduu jiray waqtiga waa dhursugaynaaye

Allahayow dhibaatada ka saar, duul kalaa dhibaye.

W/T:  Abdihakim Herer