26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Toddoba qodob oo ay Tarsan iyo Donald Trump iska shabahaan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa la sheegay in waxyaabo iska shaabahaan Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump.

Tarsan iyo Donald Trump oo wakhti danbe kusoo biiray Siyaasada ayaa iska shaabaha meelo badan oo ay ugu weyn yihiin habdhaqanka siyaasadeed

Tarsan waxa uu dagaalka Dowlada u adeegsadaa Warbaahinta, halka Donald Trump uu isna Dowladii dhacday ee uu hogaaminaayay Obama kala dagaalami jiray dhanka Warbaahinta, isagoo si gaara u taabta shaqsiyada gaarka ah.

Haddaba Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” iyo Donald Trump ayaa iska shabaha qodobadan:-

1 – Fud fudeedka Joogtada ah: Tarsan oo muddo kooban ku jira Siyaasada Somalia ayaa tan iyo markii uu kusoo biiray Siyaasada kusoo galay Jawi u muuqda mid lagu Jahwareerinaayo Siyaasada Somalia, Halka Donald Trump uu isna Siyaasada Mareykanka kusoo galay Siyaasad aan miisaaneyn.

2 – Caga jugleynta: Tan iyo markii xilka laga qaaday Tarsan waxa uu Habdhaqan ka dhigtay Fadeexeynta iyo Caga jugleyn uu ku sameeyay Madaxda dalka, halka Donald Trump uu isna u caga jugleeyay Madaxdii ka horeysay iyo Musharaxadii uu kaga guuleystay Codeynta Heleri Kilintoon.

3 – Arbushaada: Tarsan waxa uu waayadaani danbe lidi ku ahaa Dowlada Somalia, waxa uuna ka shaqeynaayay Arbushaada Siyaasada Somalia ee laga laalay, Halka Donald Trump uu isna Arbushaad kusoo galay ololaha iyo Doorashada Mareykanka waxa uuna durba ku dhaqaaqay inuu kala daadiyo dhammaan Dowladii hore.

4 – Fadeexeynta: Tarsan waxa uu mar waliba ka hadlaa ama soo bandhigaa waxyaabaha lidiga ku ah Dowlada Somalia oo marka dhanka kale loo eego Fadeexad ku noqota Maamulka markaasi jira, waxaana dhaqanka noocaasi ah ay wadaagan Donald Trump oo Fadeexad la dabakacay Dowlada Obama iyo Muwaadiniinta kasoo jeeda dalalka kale ee heysta dhalashada.

5 – Faafinta Sirta: Tarsan iyo Donald Trump waxa ay iska shabahaan in si aan kutalo gal aheyn loo faafiyo Siraha Dowladaha Somalia iyo Mareykanka mana laha Siyaasad ay isku xakameeyan xiliyada ay kasoo muuqanayaan warbaahinta ama la qidaabayaan.

6 – Hal ku dhigga Ololaha Doorashada: Tarsan waxa uu ololihiisa u adeegsadaa hal ku dhig uga dhigay MAKE SOMALIA SAFE AGAIN, halka Donald Trump ka hor inta aan la dooran uu us isticmaalay MAKE AMERICA GREAT AGAIN.

7 – Ka faa’iideysiga qaladka: Donald Trump waxa uu aad uga faa’iideystaa khaladaadka yar yar oo ay gashay Dowladii dhacday oo uu Hogaaminaayay Obama, halka Tarsan uu isna ka eegto khaladaadka yaryar oo ay gasho Dowlada Xasan Sheekh.

W/Q: Nuur Aadan Guure

Nairobi, Kenya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News