25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Trump: Ayatollah Khamenei waa nin iimaan weyn leh ee muxuu beenta u sheegayaa?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa Jimcihii ku jeesjeesay digniintii kululayd ee Ayatollah Ali Khamenei uu u diray Maraykanka ee ahayd inaanu weerarro dambe ku qaadin Iran, iyo sidoo kale hadalka hoggaamiyaha sare ee Iran ee ahaa in Tehran ay “ku guulaysatay dagaalkii” Israel.

Trump, oo hadallo siiyay suxufiyiinta, kaddibna farriin dheer ku baahiyay baraha bulshada, wuxuu sheegay in hadallada Ayatollah ay ka hor imanayaan xaqiiqada, kaddib 12 maalmood oo duqeymo Israel ah iyo saddex goobood oo muhiim ah oo nukliyeerka ah oo Maraykanku uu duqeeyay, kuwaasoo khasaare ba’an u geystay barnaamijka nukliyeerka ee dalkaas. Trump wuxuu tilmaamay in hadallada Khamenei aysan u qalmin ninka ugu awoodda badan xagga siyaasadda iyo diinta ee Iran.

“Dhegayso, waxaad tahay nin iimaan weyn leh. Nin si weyn looga qadariyo dalkiisa. Waa inaad runta sheegtaa,” ayuu Trump ka yiri Khamenei. “Si xun ayaa la idinkaga adkaaday.”

Madaxweynaha Maraykanka ayaa hadlay maalin kaddib markii Khamenei uu ku adkaystay in Tehran ay “dharbaaxo wejiga kaga dhufatay Maraykanka” markii ay weerartay saldhig cirka ah oo Maraykanku ku leeyahay Qatar, isagoo ka digay weerarro dambe oo Maraykanka ama Israel ay ku qaadaan Iran. Hadalka Khamenei oo ahaa mid horay loo duubay oo laga sii daayay telefishanka dawladda Iran, wuxuu ahaa markii ugu horreysay ee Iiraaniyiintu ay si toos ah uga maqlaan hoggaamiyaha sare muddo maalmo ah.

Hadallada kulul ee u dhexeeya Trump iyo Khamenei ayaa sii socday iyadoo labada hoggaamiye ay la kulmayaan su’aalo adag oo ku saabsan saamaynta ay duqeymuhu reebeen.

Trump iyo kaaliyeyaashiisu waxay si adag u beeniyeen kaddib markii la baahiyay qiimayn hore oo khasaaraha ahayd oo ay samaysay Hay’adda Sirdoonka Difaaca (Defense Intelligence Agency), taasoo muujisay in duqeynta Maraykanku ay suuragal tahay inay dib u dhigtay barnaamijka nukliyeerka ee Tehran bilooyin keliya. Dhanka kale, Khamenei oo 86 jir ah, ahna shakhsiga ugu awoodda badan nidaamka diineed ee Iran, wuxuu u muuqday mid doonaya inuu muujiyo awooddiisa iyo firfircoonidiisa, iyadoo la isla dhexmarayay warar ku saabsan caafimaadkiisa iyo sida uu ugu lug lahaa go’aamadii dagaalka ee Iran intii uu socday khilaafka 12-ka maalmood ah.

Farriin uu bartiisa bulshada soo dhigay Jimcihii, Trump wuxuu sidoo kale u muuqday inuu tixraacayo qorshe ay dawladda Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, u soo bandhigtay Aqalka Cad maalmihii ugu horreeyay ee colaadda Israel iyo Iran, kaasoo ahaa in la isku dayo dilka Khamenei. Trump wuxuu diiday qorshahaas, sida uu sheegay sarkaal Maraykan ah oo aan loo oggolayn inuu si fagaare ah u hadlo, kaasoo codsaday inaan magaciisa la sheegin.

“Dalkiisu waa la burburiyay, saddexdiisii Goobood ee Nukliyeerka ee Sharta ahaa waa la BAABI’IYAY, aniguna waxaan si SAX AH u ogaa halka uu ku dhuumanayay, umana oggolaan lahayn Israel, ama Ciidanka Qalabka Sida ee Maraykanka, oo ah kan ugu Weyn uguna Awoodda badan Adduunka, inay nafta ka qaadaan,” ayuu Trump ku qoray bartiisa Truth Social. “Waxaan ka badbaadiyay geeri aad u fool xun oo ceeb ah, mana ahan miyaa inuu yiraahdo, ‘mahadsanid, madaxweyne TRUMP!'”

Trump, kaddib duqeymihii cirka ee Maraykanka, wuxuu farriimo digniin cabsi leh ugu diray Khamenei bartiisa bulshada, isagoo u sheegay in Maraykanku uu ogyahay meesha uu joogo laakiin uusan qorsheynayn inuu dilo, “ugu yaraan hadda.”

Kaddib markii uu qaaday duqeymaha Maraykanka — oo ay ku jiraan bambooyinka dhulka hoostiisa gala ee Maraykanku sameeyay — Trump wuxuu ku adkaysanayay in goobihii nukliyeerka ee Iran “la baabi’iyay.” Saraakiisha maamulkiisu kama aysan hor iman nuxurka warbixinta Hay’adda Sirdoonka Difaaca (DIA), laakiin waxay isku dayeen inay diiradda saaraan bayaan ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka Dhexe (CIA) iyo qiimeyno kale oo sirdoon, oo ay ku jiraan kuwa ka yimid Iran iyo Israel, kuwaasoo sheegay in duqeymuhu ay si ba’an u waxyeeleeyeen goobaha nukliyeerka ayna curyaamiyeen xarun uranium-ta lagu kobciyo.

Trump wuxuu sidoo kale sheegay inuu ka filayo Iran inay u furto kormeer caalami ah si loo xaqiijiyo inaysan dib u bilaabin barnaamijkeeda nukliyeerka.

Markii la weydiiyay inuu wadahadallada la filayo inuu la yeesho Iran ku dalban doono in Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada (International Atomic Energy Agency) ama urur kale loo oggolaado inay sameeyaan kormeer, Trump wuxuu u sheegay suxufiyiinta in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay khasab ku noqon doonto inay la shaqeyso IAEA “ama cid aan ixtiraamno, oo aan annaguba ku jirno.”

Saraakiisha Aqalka Cad ayaa sheegay inay filayaan inay dhowaan dib u bilaabaan wadahadallada Iran, inkastoo aan weli wax jadwal ah la dejin.

Ergeyga Maraykanka u qaabilsan Bariga Dhexe, Steve Witkoff, ayaa horraantii toddobaadkan sheegay inay jireen xiriiro toos ah iyo kuwo aan toos ahayn oo u dhexeeya labada dal. Wareeggii lixaad ee wada-xaajoodka Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay horraantii bishan inuu ka dhaco Cumaan, laakiin waa la baajiyay kaddib markii Israel ay weerartay Iran.

Trump wuxuu muujiyay kalsooni ah in hamigii nukliyeerka ee Iran uu meesha ka baxay.”Ma idiin sheegi karaa, way daaleen. Israel-na sidoo kale way daashay,” ayuu yiri Trump. Wuxuuna intaas ku daray, “Waxa ugu dambeeya ee ay hadda ka fekerayaan waa Nukliyeer.”

 

- Advertisement -

Read more

Local News