26.7 C
Mogadishu
Tuesday, November 18, 2025

Trump iyo Netanyahu oo qaaday tallaabo deg-deg ah kadib toogashadii loo gaystay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa toogasho goordhow lamaane Israa’iiliyiin ahaa loogu gaystay banaanka madxafka Israa’iil ee Washington, waxayna kala yihiin Yaron Lischinsky iyo Sarah Milgram..

Raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu oo jawaab deg-deg ah soo saaray ayaa sheegay in uu “aad uga carooday dilka naxdinta leh ee naceybka ku saleysan”, waa sida uu hadalka u dhigay, xili uu ka hadlayay dilka labada qof ee Israa’iiliyiinta ah loogu geystay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Waxaa uu dhanka kale farriin tacsi ah u diray qoyska dhibbanayaasha toogashada lagu dilay xili ay ka soo baxayeen madxafka Israa’iil oo ku yaala Washington.

“Waxaan si toos ah u soo jeediyay in la xoojiyo ammaanka howlgallada Israa’iiliyiinta ee guud ahaan caalamka iyo wakiillada dowladda.”, ayuu yiri Netanyahu.

Safiirka Israa’iil ee Mareykanka, leiter, ayaa sheegay in Donald Trump uu ku wargeliyay in mamulkiisa ay sameyn doonaan wax kasta oo lagula dagaallamayo yahuud naceybka.

Dhinaca kale, Booliiska ayaa magaca eedeysanaha ku sheegay Elias Rodriguez, oo ka soo jeeda magaalada Chicago, kaas oo ay sheegeen inuu yahay qofka keliya looga shakisanyahay toogashada inuu geystay.

Saraakiisha ayaa sheegay in ninka la tuhunsanyahay uu “qirtay in uu dembiga geystay” isla markaana uu ku dhawaaqayay ereyo ah “Falastiin oo xor ah”, isagoo xabsiga ku jira.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa cambaareeyay dilka, isagoo barta uu aasaasay ee Social truth soo dhigay qoraal uu dhacdadan ugu tilmaamay mid “ku saleysan yahuud naceybka”

Sidoo kale wuxuu sheegay in toogashadan tahay “mid aad u murugo leh” isla markaana si cad ugu saleysan “nacaybka yahuudda”.

“Nacaybka iyo xagjirnimada boos kuma laha gudaha Mareykanka.” ayuu Trump ku yiri qoraal uu so dhigay Social truth, oo ah barta uu aasaasay. Waxaa uu dhanka kalena tacsi u diray qoysaska dhibbanayaasha falkaas.

Isha: BBC

- Advertisement -

Read more

Local News