Muqdisho (Caasimada Online) – Iyada oo weli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay muranka doorashooyinka ayaa waxaa haatan lasoo warinayaa in mucaaradka Hawiye ay ku heshiiyeen hal arrin oo xasaasi ah, lana xiriirta doorashada la filayo inay ka dhacdo dalka.
Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle Tv ayaa ka hadlay qorshaha cusub ee mucaaradka, wuxuuna sheegay inay gaareen heshiis la xiriira awood qaybsiga dalka, si ay ugu galaan doorashada 2026.
Sheekh Cismaan Barre ayaa shaaca ka qaaday in weli dalka wax lagu qabsado nidaamka 4.5, isla-markaana heshiiska lagu saleeyay hab beeleed ahaan, sida uu hadalka u dhigay.
“Dalkan waa qabiil, waana 4.5 madaxtinimada kursigaas laba beelood ayaa inta badan, walow ay dastuuri ahayn isku bed-bedasho, haddii aan afka ku dhufto waa nimanka la yiraahdo hawiye iyo daarood” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee baarlamaanka HirShabelle.
Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in heshiiska cusub ee mucaaradka hawiye gaareen uu yahay inay dhisaan musharrax beesha Daarood ah, kadibna iyaga ay qaataan xilka ra’iisul wasaaraha, sida uu hadalka u dhigay.
Arrintan waxa uu tilmaamay inay keentay rajo xumo ay ka qaadeen tartanka iyo doorashada soo socota, ayna hadda ay qorsheeyeen in halkaas musharrax ay dhistaan.
“Hadda mucaaradka hawiye go’aan ayay gaareen waa xisaabtameen waxa ay is yiraahdeen Soomaali wayn idin ma dooranmeyso, sidoo kale ma jiro baarlamaan aan cod ka heleysaan hadda waxay u xuubsiibteen inay mukulaal madow dad ka noqdaan oo ay yiraahdaan aniga ra’iisul wasaare iga dhig” ayuu mar kale yiri Sheekh Cismaan Barre.
Waxaa kale oo uu ku eedeeyay xubnaha mucaaradka inay gacan saar la leeyihiin dalal shisheeye, ayna mar kasta u gefaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa gobollada.
“Qodobka xiga niman shisheeye oo dalal Carbeed u badan ayay u shaqeeyaan, maalin walba waxaa lasoo faraa inay caayaan madaxda qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada”. ayuu sii raaciyay.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dood xooggan ay ka taagan tahay hannaanka doorashooyinka 2026, waxaana qorshaha Villa Soomaaliya ee qof iyo cod weli diidan maamul-goboleedyada Jubaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka dalka.

