New Delhi (Caasimada Online) – Warbixin dhowaan lagu daabacay India.com ayaa ka digtay hamiga sii kordhaya ee Turkiga ee Geeska Afrika, gaar ahaan qorshihiisa lagu dhisayo saldhig hawada sare ah (spaceport) gudaha Soomaaliya.
Horumarkan ayaa si dhow loola socdaa gudaha Hindiya, halkaas oo ay ka jirto cabsi isa soo taraysa oo ku saabsan saameynta sii kordheysa ee Ankara ku yeelaneyso Badweynta Hindiya—gaar ahaan marka la eego xiriirka dhow ee ay la leedahay Pakistan.
Walaacyadaas waxay ka dhasheen taageeradii dhawaan Turkigu u muujiyay Islamabad xilli ay sare u kacday xiisadda u dhexeysa Hindiya iyo Pakistan. Taageeradaas ayaa keentay cambaareyn ballaaran oo ka timid gudaha Hindiya.
Haatan, Turkigu wuxuu u muuqdaa mid wajigiisa u jeediyay dhinaca Badweynta Hindiya, iyadoo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan lagu soo warramay in uu horumarinayo qorshe lagu dhisayo xarun daahfurka dayax-gacmeedyada iyo tijaabooyinka gantaallada fog gudaha Soomaaliya.
Sida lagu sheegay warbixinta, Turkiga ayaa wadahadallo toos ah la leh dowladda Soomaaliya si uu saldhiggaasi uga hirgeliyo xeebaha bari ee dalka. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid qeyb ka ah istiraatiijiyad ballaaran oo uu Ankara ku doonayo inuu ku xoojiyo joogitaankiisa teknoolojiyadeed iyo milateri ee gobolka.
Juqraafi ahaan, Soomaaliya waxay leedahay meel istiraatiiji ah—iyadoo u dhow khadka dhul-baraha (equator) isla markaana si toos ah ugu furan Badweynta Hindiya—taasoo ka dhigaysa goob ku habboon saldhig noocan ah. Meelaha u dhow dhul-baraha waxay leeyihiin faa’iido xagga xawaaraha wareegga dhulka, taasoo yareyneysa isticmaalka shidaalka waxayna suurta-gelisaa in dayax-gacmeedyo si nabad ah ugu baxaan biyo aan dad degganeyn.
Turkiga ayaa shaaciyay qorshe maalgashi oo gaaraya $1 bilyan, iyadoo la doonayo in la gaaro daahfurka dayax-gacmeed si tartiib ah u dega (soft landing mission) sannadka 2028. Qiyaastii $350 milyan ayaa lagu bixin doonaa dhismaha iyo dayactirka muddada fog.
Madaxweyne Erdogan ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqay hindisahan sannadkii 2021, isaga oo qeyb ka ah dadaallada Turkiga ee ku wajahan horumarinta teknoolojiyadda hawada sare iyo gantaallada casriga ah.
In kasta oo mashruucan aanu halis toos ah ku ahayn Hindiya waqtigan la joogo, haddana xeel-dheerayaal amni oo fadhigoodu yahay New Delhi ayaa muujinaya taxaddar. Taageerada joogtada ah ee Turkigu u hayo Pakistan, iyo kobaca degdegga ah ee uu ku samaynayo dhoofinta hubka ee ku wajahan dalalka dariska la ah Hindiya iyo qaar ka mid ah waddamada Afrika, ayaa loo arkaa khatar istiraatiiji ah oo muddada fog ah.
Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in Pakistan ay mustaqbalka iskaashi la samayn karto Turkiga dhanka barnaamijyada gantaallada ama hawada sare—taasoo suurta-galin karta saameyn amni oo toos ah oo ka dhan ah Hindiya.
Dhinaca kale, goobta uu mashruucu ka socdo ayaa aad ugu dhow danaha istiraatiijiga ah ee Hindiya, sida saldhiggeeda milateri ee Andaman and Nicobar Command, jasiiradaha Maldives, iyo guud ahaan howlgalada badda ee ay Hindiya ka fuliso gobolka.
Haddii xarun joogto ah oo ay Turkigu leeyihiin laga hirgeliyo Soomaaliya—ha ahaato mid hawada sare ah ama mid difaac—waxay si weyn u beddeli kartaa is-dheellitirka awoodda gobolka galbeedka Badweynta Hindiya.
Warbixintu sidoo kale waxay xustay khatar juqraafiyeed oo isa soo taraysa. Iyadoo Shiinuhu horeyba ugu leeyahay saldhig ciidan dalka Jabuuti, dhismaha xarunta Turkiga ee Soomaaliya ayaa laga cabsi qabaa in ay fure u noqoto isbahaysi saddex geesood ah oo u dhexeeya Shiinaha, Pakistan, iyo Turkiga.
Arintan ayaa waxa ay qaar ka mid ah dadka falanqeeya amniga ee Hindiya ku tilmaameen “khatar saddex-geesood ah” oo kaga imanaysa Shiinaha waqooyi, Pakistan galbeed, iyo Turkiga koonfur-galbeed kaga imanaya saldhiggiisa Soomaaliya.
Ugu dambayn, in kasta oo qorshaha saldhigga hawada sare ee Turkigu uu u muuqdo mid cilmiyeed iyo teknoolojiyadeed, falanqeeyayaasha Hindiya waxay u arkaan in uu ka tarjumayo ujeeddooyin istiraatiiji ah oo qoto dheer.
Mashruucu wuxuu muujinayaa doonista Ankara ee ah in ay awooddeeda ku fidiso xuduudaheeda ka baxsan—waxaana, marka laga eego xag Hindiya, lagu tilmaamayaa arrin khatar ku ah jawiga amni ee horeyba uga cakirnaa gobolka.