Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda qorshe ballaaran oo lagu hirgelinayo mashaariic horumarineed oo muhiim ah oo diiradda saaraya kaabeyaasha caafimaadka iyo tamarta, kuwaas oo laga fulinayo magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe ee dowlad-goboleedka Puntland.
Arrintan ayaa imaneysa xilli ay weli taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.
Sida lagu sheegay dukumentiyo la helay, mashaariicdan waxaa maalgelinaya Bankiga Adduunka, waxaana si rasmi ah loogu saxiixay heshiisyadooda magaalada Muqdisho, taasoo muujinaysa sii socoshada taageerada caalamiga ah ee loo marayo hay’adaha federaalka.
Garoowe gudaheeda, Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Federaalka ayaa ku dhawaaqday mashruuc weyn oo dhanka tamarta qoraxda ah, kaasoo ay qeyb ka tahay dhismaha xarun cusub oo koronto-qoraxeed ah si loo hagaajiyo helitaanka tamar joogto ah oo lagu kalsoonaan karo ee caasimadda gobolka.
Dhanka Boosaaso, waxaa la ansixiyay ballaarinta isbitaalka guud ee magaalada, iyadoo mashruuca ayu kormeerayso Wasaaradda Caafimaadka Federaalka. Hirgelinta mashruucan waxaa loo xil saaray shirkadda Afrah Construction Company Limited oo fadhigeedu yahay Muqdisho, taasoo laga xushay habraaca Qaramada Midoobay ee UNPOS. Hay’addan ayaa sidoo kale mas’uul ka ah naqshadeynta, maamulka iyo kormeerka dhismaha.
Horumaradan ayaa loo arkaa isbeddel muhiim ah, maadaama Puntland horey u diidday in lagu fuliyo mashaariic ka yimaada dowladda dhexe, sida mashruuca dhismaha waddada Galkacyo–Harfo. Iskaashiga haatan muuqda ayaa laga yaabaa inuu muujinayo furfurnaan cusub oo Puntland ka muujisay la shaqeynta dowladda federaalka, inkastoo ay weli jiraan khilaafaad siyaasadeed oo salka ku haya kalsooni-darro taariikhi ah.
Si kastaba ha ahaatee, ilo siyaasadeed oo ku sugan Puntland ayaa sheegaya in xiisadihii siyaasadeed ee u dhexeeyay labada dhinac ay weli jiraan. Mashaariicda ay waddo dowladda federaalka ayaa inta badan si dhaliil leh loogu eedeeyaa in loo adeegsado dano gaar ah, iyadoo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni lagu eedeeyo inuu siyaasadeynayo horumarinta lana xiriirinayo ololeyaashiisa siyaasadeed.
Falanqeeyayaasha arrimaha gudaha ayaa sheegaya in inkasta oo hirgelinta mashaariicdan ay ka tarjumayso horumar dhinaca adeegyada bulshada ah, haddana khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Garoowe iyo Muqdisho weli xal rasmi ah looma helin, taasoo caqabad ku ah in la helo iskaashi waara oo dhaxal gal ah oo dhexmara dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

