27.9 C
Mogadishu
Saturday, June 7, 2025

Trump oo AQALKA CAD ka eryey xubno ku dhow Israel, xilli xiriirka uu sii xumaanayo

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa dib u habeyn ku sameeyay Golaha Amniga Qaranka (NSC), taasoo keentay in xilka laga qaado mas’uuliyiin sar-sare oo caan ku ahaa taageeradooda buuxda ee Israa’iil. Tallaabadan ayaa dhalisay su’aalo cusub oo ku saabsan jihada uu xiriirka Mareykanka iyo Israa’iil u jeesanayo.

Mas’uuliyiinta xilalka laga qaaday waxaa ka mid ah Merav Sirin, oo haysta dhalashada Mareykanka iyo Israa’iil isla markaana dhowaan madax ka ahayd qeybta Iran-Israa’iil ee Golaha Amniga Qaranka; Eric Trager, oo mas’uul ka ahaa siyaasadda Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika; iyo Morgan Ortagus, diblomaasi caan ah oo door muuqda ka ciyaartay wadaxaajoodka xabbad-joojinta Lubnaan, iyadoo sidoo kale si dhow loola xiriirin jiray danaha Israa’iil.

Merav iyo Trager waxaa xilalka u magacaabay Mike Waltz, oo horey u ahaa La-taliyaha Amniga Qaranka ee Trump, lagana eryay xilka toddobaadyo kahor. Waltz ayaa loo arkayay inuu ka mid ahaa taageerayaasha ugu dhow Israa’iil ee maamulka Trump. Shaqooyinkii labadaasi mas’uul hadda waxaa loo wareejiyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio.

Ortagus, oo diinta Yuhuudda qaadatay, kana mid ahayd kuwa ugu ad-adag ee ka soo horjeeda Xisbullah iyo kooxaha hubeysan ee Falastiiniyiinta ee ku sugan Lubnaan, ayaa la sheegay inay loollan ugu jirtay in ay la wareegto faylka arrimaha Suuriya.

Inkasta oo ilaha Mareykanka ay sheegeen in xilka looga qaaday khilaafaad gudaha ah halkii ay ka ahaan lahayd doorkeeda ku aaddan Lubnaan, haddana arrintan waxay walaac ku dhalisay mas’uuliyiinta Israa’iil. Qaar ka mid ah saraakiisha Israa’iil ayaa u arkayay inay ahayd xiriir muhiim ah oo u dhexeeyay Tel Aviv iyo Aqalka Cad.

Siyaasadda “America First”

Isku-shaandheyntan ayaa u muuqata mid qeyb ka ah dadaal ballaaran oo lagu xoojinayo mabda’a “America First” ee Trump, kaasoo haatan si weyn u wado madaxweyne ku-xigeenka J.D. Vance. Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo, ujeedadu waa in la yareeyo saameynta dalal kale, gaar ahaan Israa’iil, ku leeyihiin siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Magacyada la hadal hayo in lagu beddeli karo mas’uuliyiinta la eryey waxaa ka mid ah Joel Rayburn, oo horey u ahaa ergay Mareykan ah, iyo Massad Boulos, oo ah ganacsade Lebanese-American ah, ahna sodogga wiilka madaxweyne Trump ee Donald Trump Jr.

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa si cad u muujiyay walaac ay ka qabaan jihada isbeddelkan. In kasta oo Marco Rubio loo arko mid saaxiib la ah Israa’iil, haddana taageerayaal badan oo u janjeera Israa’iil waxay sheegeen inuusan la iman ballanqaadkii adkaa ee ay ku qanacsanaayeen.

“Wuxuu taageeraa Israa’iil,” ayuu yiri sarkaal Israa’iili ah oo la hadlay wargeyska Yedioth Ahronoth, “laakiin ma raaco ajandaha Israa’iil sida uu sameyn jiray Waltz.”

Walaaca Israa’iil waxaa sii kordhiyay kororka codadka kuwa doonaya in Mareykanka uu gees u baxo ee ku soo badanaya gudaha xisbiga Trump, kuwaasoo ay ka mid yihiin shaqsiyaad caan ah sida Tucker Carlson, oo ka tirsan warbaahinta midigta fog. Dadkani waxay uga digeen Trump in taageerada aan shuruudda lahayn ee Israa’iil ay khatar ku tahay in Mareykanku galo dagaallo ballaaran oo gobolka ka dhaca.

Xiisad ka dhex qaraxday Israa’iil

Tallaabooyinka shaqo ka qaadista ayaa sidoo kale horseeday xiisado siyaasadeed oo ka dhex dhashay dowladda Israa’iil. Sida laga soo xigtay saraakiil sare, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa si gaar ah uga xumaaday sida uu ugu qaldamay akhrinta isbeddellada ka socda Washington, isagoo qoomameyn ka muujiyey Wasiirka Arrimaha Istiraatiijiga ah Ron Dermer, oo muddo dheer u ahaa ergayga Mareykanka. “Dermer si qaldan ayuu u akhriyay xaaladda,” ayuu yiri sarkaal sare, “wuxuuna ku guuldareystay inuu saadaaliyo jihada isbeddelka.”

Walaaca Israa’iil ayaa sii xoogeystay kaddib booqashadii Netanyahu uu bishii Abriil ku tagay Washington, taasoo si weyn loo dhaleeceeyay. Isagoo rajeynayay inuu yareeyo canshuuraha cusub ee Mareykanka iyo inuu hor istaago dadaallada Trump uu xiriir diblomaasiyadeed kula damacsanaa Iran, ayuu Netanyahu halkii uu guul ka raadin lahaa, noqday mid la iska fogeeyay.

Intii uu socday muuqaal toos ah oo ka dhacay Xafiiska Oval, Trump wuxuu si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu qorsheynayo wadahadal toos ah oo lala yeesho Tehran, taasi oo horey uusan uga war hayn Netanyahu.

Warbaahinta Israa’iil ayaa booqashada ku tilmaantay guul-darro diblomaasiyadeed, iyadoo mid ka mid ah wargeysyada ugu waaweyn uu ugu yeeray “kulankii ugu xumaa ee abid dhex mara hogaamiyeyaasha labada dal.”

Isbeddelladani waxay calaamad u yihiin leexasho weyn oo ku timid xiriirkii muddo dheer loo arkayay mid adag oo u dhexeeya Trump iyo Netanyahu. “Codad halis ah ayaa la talinaya Trump,” ayuu yiri sarkaal sare oo Israa’iili ah. “Waxay abuureen shaki ku saabsan danaha Israa’iil waxayna su’aal geliyeen muhiimadda xiriirka.”

Inkasta oo si shaacsan loo beeniyay kala fogaanshahan, haddana qaar ka mid ah dadka ku sugan Tel Aviv ayaa qiray in xiriirka labada dhinac uu si dhab ah u xumaaday. “Xiriirku wuu jabay,” ayuu yiri sarkaal Israa’iili ah. “Waxbaa si daran u burburay xiriirka Netanyahu–Trump.”

- Advertisement -

Read more

Local News