Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa magacaabay qaar kamid ah xubnihii ugu muhiimsanaa ee dowladiisa cusub.
Xubnaha cusub ee uu magacaabay Madaxweyne Donald Trump, ayaa waxaa kamid ah Agaasimaha Madaxtooyada iyo La-taliyihiisa dhanka Siyaasada.
Trump, waxa uu sheegay in magacaabidiisa cusub ay qeyb ka tahay xoriyadiisa Siyaasadeed, waxa uuna Agaasimaha Madaxtooyada u magacaabay Guddoomiyaha Xisbigiisa Jamhuuriga ee Reince Priebus.
Trump waxa uu sidoo kale La-taliyihiisa u magacaabay Siyaasiga lagu magacaabo Stephen Bannon oo kaalin buuxda kasoo cayaaray ololihii lagu doortay Trump.
Trump, ayaa sidoo kale, diyaariyay liis kale oo khuseeya Siyaasiyiinta ka howlgasha Aqalka Cadd, waxa uuna damaciisu yahay in xilalka ugu badan ee dowladiisa ka dhigo ragga saaxiibada dhow kula ah Xisbiga uu kamid yahay.
Dhinaca kale, Trump ayaa coleysyo ka heystaan dhanka xiriirka caalamiga ah, waxaana suuragal ah in wakhti badan uu galin doono dib usoo celinta xiriirka ku lumay aflagaadooyinkiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

