Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcaha maanta ah ugu baaqay Iran inay “heshiis gasho,” isagoo ka digay in haddii kale ay jiri doonaan “dhimasho iyo burbur dheeraad ah,” kadib markii Israel ay duqeymo culus ku beegsatay xarumo nukliyeer oo ay leedahay Iran.
Trump ayaa hadalkan ku qoray bartiisa Truth Social, saacado kadib markii Israel ay weerarro cirka ah oo isdaba joog ah la beegsatay gudaha Iran, halkaas oo lagu garaacay ku dhawaad 100 bartilmaameed.
Duqeymahaas ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh, waxaana lagu dilay saraakiil sare oo Iran u qaabilsanaa difaaca iyo barnaamijka nukliyeerka, oo ay ku jiraan taliyaha ciidamada qalabka sida iyo saynisyahanno hormuud u ahaa mashruuca nukliyeerka. Dowladda Iran ayaa weerarradan ku tilmaantay “iclaamin dagaal.”
Subaxnimadii Jimcaha, Trump wuxuu yiri: “Fursad kaddib fursad ayaan siiyay Iran si ay heshiis u gasho.”
Wuxuu ku daray in Israel — oo uu Trump si buuxda ula safnaa tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay Aqalka Cad— ay haysato hub aad u badan oo ay ka heshay Mareykanka, ayna “si fiican u taqaan sida loo adeegsado.”
“Dhimasho iyo burbur weyn ayaa hore u dhacay, balse weli waxaa jirta fursad lagu joojin karo masiibadan. Weerarrada xiga ee la qorsheeyey waxay noqon doonaan kuwo aad uga arxan daran,” ayuu Trump ku yiri farriintiisa Truth Social.
“Iran waa inay heshiis gashaa, inta aanay waxba ka harin… SAMEE, KA HOR INTA AANAY AAD U DAAHIN,” ayuu ku adkeeyay.
Trump ayaa sidoo kale u sheegay Fox News in la sii ogeysiiyey weerarrada Israel ka hor intaysan dhicin, isagoo ku nuuxnuuxsaday in Tehran “aanay waligeed heli karin bam nukliyeer ah,” sida ay warisay warbaahinta Mareykanka.
Wuxuu intaas ku daray in “rajada laga qabo tahay in dib loogu laabto miiska wadahadalka,” sida ay sheegtay Fox News.
Intii uu xukunka hayey, Trump wuxuu Mareykanka ka saaray heshiiskii taariikhiga ahaa ee cunaqabataynta lagaga qaadayey Iran, beddelkeedana looga rabay in la xaddido horumarka barnaamijkeeda nukliyeer.
Sida ay Fox News sheegtay, maamulka Trump ayaa la xiriiray mid ka mid ah xulafada muhiimka ah ee Bariga Dhexe si uu ugu wargeliyo weerarka la qorsheeyey, hase yeeshee waxay xustay in Mareykanka aanu si toos ah uga qayb qaadan weerarka.
“Trump wuxuu sheegay in Mareykanku diyaar u yahay inuu isdifaaco, sidoo kalena garab istaago Israel haddii Iran ay weerar celis sameyso,” ayay warbixintu intaa ku dartay.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa Khamiistii hore sheegay in Mareykanku “uusan wax lug ah ku lahayn weerarrada lagu qaaday Iran,” isla markaana “mudnaanta koowaad tahay ilaalinta ciidamada Mareykanka ee gobolka.”
“Si aan u caddeeyo: Iran waa inaysan beegsan danaha Mareykanka ama shaqaalaheeda,” ayuu yiri Rubio.
Trump ayaa lagu wadaa inuu ka qayb galo kulan degdeg ah oo Golaha Amniga Qaranka ay yeelanayaan subaxnimada Jimcaha.