28.9 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Trump oo la dhaafiyay billada nabadda adduunka ee 2025 – Yaa ku guuleystay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Oslo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa la dhaafiyey Billada Nabadda Adduunka (Nobel Peace Prize) ee sannadkan 2025-ka, taas oo ay ku guulaysatay Maria Corina.

Maria Corina Machado, oo ah hoggaamiyaha mucaaradka iyo u ololeysaha dimuqraadiyeynta Venezuela ayaa ku guuleysatay Billadda Nabadda Adduunka, sida uu shaaciyey Guddiga Billadda ee Norway. Maria ayaa lagu ammaanay doorkeeda dimuqraadiyada dalka Venezula.

Guusha Machado ayaa si weyn u qabsatay warbaahinta caalamka, iyadoo lagu tilmaamay in abaalmarintani ay tahay mid astaan u ah halganka muddada dheer ee ay ku jirto bulshada u dagaallamaysa xorriyadda iyo kala dambeynta siyaasadeed ee Venezuela.

Tan ayaa lagu macneeyay “guul taariikhi ah oo muujinaysa in bulshada Venezuela weli ay haysato rajo siyaasadeed.”

Reuters ayaa ku warrantay in go’aanka guddiga uu ahaa “mid la saadaalinayey muddooyinkan,” iyadoo la xusay doorkeeda muhiimka ah ee kacdoonnadii nabadeed ee dalkaasi.

Dhanka kale, The Guardian ayaa warisay in Madaxweyne Donald Trump, oo si weyn u raadinayey billaddan kadib dagaallo iyo heshiisyo uu ku faanay, uu ku goodiyey in uu Norway ku soo rogi doono canshuuro dheeri ah haddii aanu helin abaalmarinta uu doonayey, oo lagu dhawaaqay inay ku guuleysatay Maria Corina Machado.

Hadalka Trump ayaa durba dhaliyay dood siyaasadeed oo cusub gudaha Mareykanka iyo meelo kale, halka taageerayaal badan oo Machado ah ay ugu baaqeen bulshada caalamka in ay sii xoojiyaan cadaadiska lagu doonayo isbeddel dimuqraadi ah oo ka dhaca Venezuela.

Trump ayaa horey si cad ugu muujiyay damaciisa ku aaddan helitaanka Nobel Peace Prize, isagoo si weyn uga mahadceliyay cid kasta oo ku garab istaagta himiladiisa.

Trump ayaa ku dooday inuu yahay qof xaq u leh abaalmarinta, isagoo tusaale u soo qaatay heshiisyo nabadeed oo uu sheegay inuu ka dhex-dhexaadiyay Bariga Dhexe, sida xallinta dagaalkii 12-ka cisho socday ee Iran iyo Israa’iil iyo dejinta xiisaddii u dhexeysay Hindiya iyo Pakistan.

“Heshiisyadaas taariikhiga ah cid kale ma qaban lahayn. Haddii qof kale sidaas sameeyo, durba Nobel Peace Prize waa la siin lahaa, laakiin sababtoo ah anigu waxaan ahay Trump, ma i siinayaan,” ayuu Trump ku yiri dalabkiisi hore ee Billada Nabadda Adduunka.

- Advertisement -

Read more

Local News