30.6 C
Mogadishu
Saturday, April 11, 2026

Axmed Madoobe oo digniin culus kasoo saaray qorshaha maamul ee DF ka wado GEDO

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa digniin culus kasoo saaray dhaq-dhaqaaqa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka wado gobolka Gedo.

Madaxweyne Madoobe oo shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada oo diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo xaaladda guud ee siyaasadda dalka ayaa si adag wuxuu uga digay qorshaha maamulka cusub looga dhisayo gobolka Gedo.

Golaha Wasiirrada ayaa dood dheer ka yeeshay wax ay ugu yeereen “faragelinta sharci-darrada ah” ee Dowladda Federaalka ay ka waddo deegaanada Jubaland, gaar ahaan gobolka Gedo, taas oo laga digay in ay sababi karto colaado hor leh iyo isku dhacyo keeni kara khasaare kala duwan.

Golaha ayaa sheegay in tani sababi karto colaado hor leh iyo isku dhacyo keeni kara khasaare kala duwan, xilli ay fashilmeen wada-hadalladii dhawaan ka dhacay magaalada Kismaayo ee u dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo hoggaamiyaha Jubaland.

Dhinaca kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay xeerka xirfadlayaasha caafimaadka ee maamulka Jubaland, oo ay soo gudbisay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada.

Golaha ayaa sidoo kale maanta ansixiyay Miisaaniyadda Sanadeedka 2026, oo cadadkeedu yahay 67,213,424.21, taas oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha ee maamulka Jubaland.

Digniintan Jubbaland ayaa imaneysa xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u dhaqaaqday dhismaha maamul cusub oo Jubaland ah oo xaruntiisu tahay magaalada Garbahaarey, kadib wada-hadalladii lagu kala tagay ee magaalada Kismaayo.

Kulamo isdaba joog ah oo ka dhacay Villa Somalia kadib markii Madaxweynaha kasoo laabtay Kismaayo ayaa lagu go’aamiyay in la dhaqan geliyo qorshaha labaad ee dowladda (Plan B), kaas oo ah dhismaha maamul Jubaland ah oo leh sharciyad dowladeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in arrinta Jubaland ay hadda si rasmi ah ugu taallo xukuumadda, isagoo tilmaamay inuu yahay “oday” uun, halka talada dhabta ah lagu wareejiyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Madaxweynaha ayaa caddeeyay in wada-hadalladii Kismaayo aysan natiijo keenin, isla markaana aan la aqbali karin in Jubaland lagu sii hoggaamiyo qaab ka baxsan dastuurka federaalka.

Intaas kadib, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa bilaabay shirar uu la qaadanayo xubno badan oo kasoo jeeda Jubaland, si looga shaqeeyo farsamada iyo qaab-dhismeedka maamulka cusub ee lagu wado in xaruntiisu noqoto Garbahaarey.

Sida ay Caasimada Online heshay, qorshahan ayaa la isku raacay in lagu soo gaba-gabeeyo muddo 45 cisho gudahood, iyadoo madaxweynuhu soo jeediyay in musharaxa cusub ee Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo, uu noqdo wasiirka amniga gudaha ahna xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Kooxda Villa Somalia ayaa sidoo kale rumeysan in qorshahan uu door weyn ka ciyaari doono Cabdirashiid Janan, kaas oo la isku raacay in uu buuxiyo booska uu baneynayo Fartaag ee wasiirka amniga gudaha.

Janan oo Talaadadii kulan la yeeshay waxgaradka gobolka Gedo u sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay guda gali doonaan dhismaha Jubbaland cusub oo aan ku xirneyn dalal shisheeye, sida uu hadalka u dhigay.

Toddobaadkan gudihiisa ayaa la filayaa in wafdi isugu jira xildhibaano iyo wasiiro uu hoggaaminayo Wasiir Fartaag ay gaaraan gobolka Gedo, halkaas oo ay si rasmi ah uga bilaabi doonaan qorshaha dhismaha Jubbaland cusub, kadib markii ay fashilmeen wada-hadalladii Kismaayo.

- Advertisement -

Read more

Local News