TRUMP oo mar kale tusaale xun u soo qaatay Soomaaliya

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump oo gobolka Minnesota kula hadlayey boqolaal taageerayaashiisa ah ayaa soo qaatay tusaale uu ku liidiyo Soomaaliya, kuna weerarayo musharrax Joe Biden iyo sidoo kale Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Trump oo marka hore weerar ku qaaday musharraxa xisbiga Dimuqraadiga ee Joe Biden ayaa sheegay inuu doonayo in xerada “qaxootiga Soomaaliya” uu ka dhigo gobolkaasi, si uu aqbalo qaxooti fara badan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray Madaxweyne Trump in Soomaaliya iyo Yemen ay ka mid yihiin wadamada ugu halista badan caalamka, islamarkaana ah gunta argagixisada.

Madaxweynaha Mareynka ayaa dhanka kale difaacay tallaabooyinka uu dalkiisa ku soo masaafurinayo Soomaalida, isaga oo ku sifeeyay ‘dambiileyaal’ lagu celinayo dalkooda.

“Waa in ay qayliyaan marka ay tegaan wadamadooda, halkaas oo ay ku sameyn karaan dambiyadda halista badan.” ayuu yiri Mr Trump.

Dhinaca kale Madaxweynaha Mareynkanka oo sii hadlayey ayaa soo hadal qaaday Ilhaan Cumar oo dagaal siyaasadeed uu kala dhexeeyo, wuxuuna ku tilmaamay xagjir.

Si kastaba ha’ahaatee ma’ahan markii ugu horreysay oo uu Trump wax ka sheego Soomaaliya, isaga marar badan badan u soo qaatay tusaale-yaal xun oo liidid ah.