Trump oo shuruud ku xiray ku darsashada ISRAEL ee dhulka DAANTA GALBEED

Washigton (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u sheegay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu inuu wada aqbalo ama ka wada tago “qorshaha nabadda” Bariga Dhexe ee Trump uu ku dhowaaqay bishii Janaayo.

Isaga oo soo xiganaya ilo-wareedyo sare, ayaa taleefishinka Israel ee Channel 13 waxa uu sheegay in Mareykana ay ku war-geliyeen Netanyahu inaysan suurta-gal ahay in qodobadii uu doono uu ka qaato “heshiiska qarniga”, si ay Israel ay ugu darsato qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ee la haysto.

Sida uu sheegay taleefishinka Israel, waxaa jira farqi weyn oo u dhaxeeya Washington iyo Tel Aviv, oo ku aadan ku darashada Israel ee Dooxada Jordan, qeybta waqooyi ee Badda Dhimatay, iyo deegaano kale.

Ilo-wareedyada ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in maamulka Mareykanka ay weydiisteen Netanyahu inuu heshiiskla ku dhowaaqo ayada oo uu asal u yahay laba dal oo ay kala yeeshaan Israel iyo Falastiin, haddii kale Washington aysan ogolaan doonin qorshaha ku-darsashada.

“Shuruudda Mareykanka ayaa ah in Israel wada fuliso qorshaha, balse suurta-gal maaha inay ka qaadato qeybta ay doonto, si ay ugu darsato Daanta Galbeed,” ayuu yiri qof xog-ogaal ah la hadlay Channel 13.

Safiirka Mareykanka ee Israel David Friedman ayaa sidoo kale ku wargeliyey Netanyahu in Trump uu doonayo in Israel ay fuliso qorshihiisa, oo wax kale aanu raali ka ahayn.

Trump ayaa 28-kii Janaayo ku dhowaaqay wax uu ugu magac dara “heshiiska qarniga”, kaasi oo xaqiijinaya laba dal oo ay kala yeeshaan Israel iyo Falastiin, hase yeeshee magaalada Qudus, ayada oo aan la kala qeybin, ka dhigaya caasimadda Israel.

Qorshahan ayaa sidoo kale dhigaya in Israel ay ku darsato deegaanada Yahuudda ee ay ka sameysay Daanta Galbeed iyo Dooxada Jordan, wuxuu diidayaa in qaxootiga Falastiiniyiinta ee caalamka ay kusoo laabtaan dhulkooda, iyo arrimo kale oo muran badan.

Falastiiniyiinta, oo Trump xiriirka u jaray 2017, markii uu Qudus u aqoonsaday caasimadda Yahuudda, ayaa si weyn u diiday qorshaha.