Washigton (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Khamiistii si xun u weeraray xildhibaan Ilhan Omar (D-Minn.) iyo Soomaaliya, maalin kadib markii Aqalka Hoose uu fashiliyey qaraar lagu doonayey in lagu canaanto xildhibaanadda Minnesota isla markaana laga saaro guddiyada ay ku jirto.
“Aniga ahaan, waa qof aad u liidata. Waxaan aaminsanahay in ay mudan tahay in xilka laga qaado. Waa qof aad u liidata,” ayuu madaxweynuhu ku yiri weriyeyaasha isagoo saaran diyaaradda Air Force One maalintii Khamiista.
Trump oo aflagaadeynaya Soomaaliya ayaa yiri “Haddaba, sidee xaaladoodu tahay? Sidee tahay dawladdoodu? Madaxweyne ma leeyihiin? Gole ma leeyihiin? Wax kale ma leeyihiin? Boolis ma leeyihiin? Waan jeclahay dadkan.”
“Waxay ka yimaadeen meel aan waxba oollin, waxba, maya, waxba, ka dibna waxay noo sheegayaan sida loo maamulo dalkeenna.”
“Haddii la cambaareeyo, taasi waa wax weyn, haddii xilka laga qaadana, xitaa way kasii fiican tahay,” ayuu raaciyay.
Hadallada Trump ee ku saabsan Ilhaan, oo ku dhalatay Soomaaliya ka hor inta aysan qoyskeedu imaan Mareykanka sannadihii 1990-meeyadii, ayaa yimid kadib markii Aqalka Wakiillada uu u codeeyay in meesha laga saaro qaraar ay soo gudbisay Xildhibaan Nancy Mace (R-S.C.), kaasoo lagu doonayay in lagu cambaareeyo xildhibaannada Minnesota.
Mace waxay ku eedeysay Cumar inay “sumcad-dishay Charlie Kirk oo ay si dadban u sheegtay inuu isagu mas’uul ka ahaa dilkiisa” markii ay dib ugu faafisay muuqaal baraha bulshada.
Maalintii Arbacada, Aqalka Wakiillada ayaa cod dhan 214-213 ku meel mariyay in qaraarka meesha laga saaro. Afar xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa ku biiray dhiggooda Dimoqraadiga, taasoo keentay in qaraarka la diido.
“Waxaan u mahadcelinayaa asxaabteyda shaqada ee i garab istaagay oo aan horay usii wadin beenta lagu faafiyay fadhiga Aqalka. Waxaan ku qanacsanahay sida ay u difaaceen xorriyadda hadalka ee uu dammaanad qaadayo qodobka koowaad ee dastuurka, iyo sida ay uga hortageen in awoodda cambaareynta si qaldan loo isticmaalo,” ayay Ilhaan ku qortay baraha bulshada codbixinta kadib. “Ugu dambeyn, Aqalkii wuxuu yeeshay xoogaa miyir qab ah.”
Trump, oo horey u weeraray asalka Soomaalinimo ee Ilhaan ayaa sidoo kale si adag u dhaleeceeyay Soomaaliya maalintii Khamiista.
“Dalka Ilhan Cumar ee Soomaaliya waxaa hareeyay dowlad dhexe oo aan lahayn awood ay wax ku maamusho, faqri joogto ah, gaajo, argagixisannimo dib usoo cusboonaatay, burcad-badeednimo, dagaallo sokeeye oo tobannaan sano socday, musuq-maasuq, iyo rabshado baahsan,” ayuu madaxweynuhu ku qoray qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social fiidnimadii Khamiista.
Trump wuxuu yiri “70 boqolkiiba dadweynaha waxay ku nool yihiin saboolnimo aad u daran, waxaana jirta cunno yari baahsan. Soomaaliya waxay si joogto ah uga mid tahay dalalka ugu musuq-maasuqa badan adduunka, waxaana ka mid ah laaluushka, lunsashada hantida, iyo dawlad aan shaqaynayn.”
Kadib Trump wuxuu ku eedeeyay Ilhaan inay guursatay walaalkeed si ay u hesho dhalashada Mareykanka. Ilhaan ayaa muddo dheer beeninaysay eedeymahan.
“Waxaas oo dhan, haddana Ilhaan waxay noo sheegaysaa sida loo maamulo Ameerika! P.S. Sow iyadu ma ahayn tii guursatay walaalkeed si ay u hesho dhalasho??? Waa maxay dadka qashinka ah ee dalkeenna jooga, ee noo sheegaya waxaan samayno, iyo sidaan u samayno,” ayuu yiri Trump.
Dhanka kale, dhowr urur oo Mareykan ah iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga ayaa si adag uga jawaabay hadalka Trump, iyagoo ku tilmaamay mid naceyb ku dhisan oo lagu weerarayo qowmiyad gaar ah.
Ilhaan Cumar lafteeda ayaan weli si toos ah uga hadlin hadalladan kasoo yeeray Trump, balse horey ayay uga falcelisay weerarradiisa, iyadoo ku sheegtay inay tahay astaan u taagan halganka muhaajiriinta iyo dadka laga tirada badan yahay ee Mareykanka.

