Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo xalliyo khilaafka mudada dheer soo jiitamayay ee u dhexeeya Masar iyo Itoobiya ee ku saabsan Biyo xireenka Weyn ee Itoobiya (Grand Ethiopian Renaissance Dam – GERD), isagoo xaaladda ku tilmaamay mid halis ku ah jiritaanka qaranka Masar.
Trump ayaa hadalkan jeediyay intii lagu guda jiray kulan heer sare ah oo uu la yeeshay Xoghayaha Guud ee Gaashaanbuurta NATO Mark Rutte, kaasoo looga hadlayay xasilloonida gobolka iyo iskaashiga wadamada ku teedsan Badweynta Atlaantik (transatlantic cooperation).
Inkasta oo kulanku inta badan diiradda lagu saarayay difaaca iyo amniga, Trump wuxuu fursad u helay inuu iftiimiyo waxa uu ku tilmaamay mid ka mid ah caqabadaha ugu degdegga badan ee dhanka amniga biyaha ee Afrika.
“Biya xireenku wuxuu noqday dhibaato aad u culus,” ayuu yiri Trump. “Sidaad ogtahay, Mareykanku wuxuu taageero dhaqaale siiyay dhismaha biya xireenka waayihii hore, laakiin ma fahmin sababta arrimaha uu abuuray aan si habboon wax looga qaban.”
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in khilaafku aanu hadda ahayn oo kaliya arrin ku saabsan xiisadda gobolka, balse uu yahay arrin bani’aadannimo iyo mid qaran oo u gaar ah Masar. “Biya xireenkani wuxuu u taagan yahay nololasha Masar,” ayuu yiri. “Waa inaan xal u helnaa, waana inaan si degdeg ah u helnaa.”
Dhismaha Biya xireenka Weyn ee Itoobiya, kaasoo ku yaalla Wabiga Nile ee Buluugga ah, kuna dhow xudduudda Itoobiya ay la wadaagto Suudaan, wuxuu bilowday sanadkii 2011-kii, wuxuuna ilo xiisad ah u ahaa Itoobiya, Masar, iyo Suudaan in ka badan toban sano.
Itoobiya ayaa biya xireenka buuxisay shan waji intii u dhaxeysay 2020 ilaa 2024, waxayna qorsheynaysaa inay xariga ka jarto bisha Sebtembar, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed. Qaahira iyo Khartuum, in kasta oo aysan ka soo horjeedin horumarka ay Itoobiya hiigsaneyso, waxay si isdaba joog ah u dhaleeceeyeen tallaabooyinka hal-dhinac ah ee Addis Ababa.
In kasta oo Itoobiya ay mashruucan u aragto mid muhiim u ah horumarkeeda iyo baahiyaha tamarta, Masar waxay biya xireenka u aragtaa khatar suurtagal ah oo ku wajahan biyaheeda muhiimka ah ee Wabiga Nile, kaasoo ay ku tiirsan yihiin ku dhowaad 100 milyan oo Masri ah.
Wadahadallada ku saabsan biya xireenka ayaa socday in ka badan toban sano iyada oo aan heshiis la gaarin. Masar ayaa ku dhawaaqday in wadahadalladii GERD ay burbureen bishii Diseembar 2023, iyadoo sabab uga dhigtay in Itoobiya ay diiday sharciyadihii farsamo iyo kuwa sharciga ahaa ee la soo jeediyay.
Maamulkii Madaxweyne Donald Trump ayaa horey isugu dayay inuu dhexdhexaadiyo khilaafka, iyadoo qaar ka mid ah dadaalladaas ay dhaleeceyn kala kulmeen eedeymo la xiriira in dhinac loo janjeeray oo Masar loo hiilinayay. Sanadkii 2020, Trump wuxuu si muran dhaliyay u soo jeediyay in Masar ay “qarxin karto” biya xireenka, hadal ay Itoobiya si xooggan u cambaareysay.
Hadallada Trump ayaa calaamad u ah mid ka mid ah baaqyadii ugu xoogganaa ee caalami ah ee bilihii ugu dambeeyay ee ku saabsan dardargelinta wadahadallada. Inkasta oo maamulladii hore ee Mareykanka ay door dhexdhexaadin ah soo qaateen, haddana weli ma jiro heshiis dhammaystiran oo la gaaray.
“Waxaan isku dayeynaa inaan gacan ka geysanno sidii heshiis loo gaari lahaa,” ayuu Trump kusoo gabagabeeyay. “Ma jirto waqti la iska lumin karo.”
Suudaan, oo ay Masar ka wadaagto walaacyada, ayaa ka digtay in tallaabooyinka Itoobiya ay saameyn karaan badqabka biya xireennadeeda.