Istanbul (Caasimada Online) – Dalka Turkiga ayaa qaaday tallaabo weyn oo uu ku casriyeynayo awooddiisa militari, isagoo Axaddii soo bandhigay laba bambaano oo cusub oo dalka gudihiisa lagu farsameeyay, kuwaas oo si weyn u kordhinaya awoodda Ciidanka Cirka ee Turkiga oo ku jira weji ballaaran oo dib-u-hubeeyn iyo casriyeyn ah.
Soo bandhigidda hubkan ayaa ka dhacday Carwada 17-aad ee Caalamiga ah ee Warshadaha Difaaca (IDEF) 2025 oo ka socota magaalada Istanbul. Carwadan oo socota muddo lix maalmood ah ayaa ah mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan caalamka, waxayna isku mar ka socotaa Xarunta Carwada Istanbul, Garoonka Diyaaradaha ee Ataturk, iyo Dekedda Atakoy.
Bambada Koowaad: GAZAP
Midda koowaad ee hubkan cusub waa bambaanada GAZAP, taas oo lagu tilmaamay inay tahay bam caadi ah oo hawada laga tuuro tii ugu awoodda badneyd ee uu Turkigu abid soo saaro.
Waxaa horumarisay Xarunta Cilmibaarista iyo Horumarinta ee Wasaaradda Difaaca Turkiga, waxaana awooddeeda gaarka ah lagu sheegay inay mitirkiiba abuurto 10.16 qarax oo firdhisan. Sida uu sarkaal ka tirsan dowladda u sheegay wakaaladda wararka ee Anadolu, awooddan ayaa aad uga sarraysa bambaanooyinkii hore ee uu Ciidanka Cirka Turkigu adeegsan jiray, kuwaas oo rikoodhkoodu ahaa saddex qarax mitirkiiba.
Sarkaalka ayaa intaa ku daray, “Xarunta Cilmibaarista waxay dib-u-habeyn ku samaysay walxaha qarxa iyo kuwa buuxinta,” isagoo xaqiijiyay in la dhameeyay dhammaan hannaankii shahaado-siinta iyo tijaabooyinka, bambaanadana ay hadda diyaar u tahay in lagu rakibo diyaaradaha dagaalka ee F-16 si loogu adeegsado hawlgallada.
Bambada Labaad: NEB-2 Ghost
Bambada labaad ee soo jiidatay indhaha caalamka ayaa ah NEB-2 Ghost, oo culeyskeedu yahay 970-kiiloogaraam (2,000-bound). Waa bam si gaar ah loogu talagalay burburinta dhufaysyada iyo dhismaha dhulka hoostiisa ku yaal (bunker-buster).
Ilo-wareed ka tirsan warshadaha difaaca ayaa ku tilmaamay NEB-2 inay tahay “bambaanada ugu wanaagsan nooceeda ee hadda la heli karo,” waxayna awood u leedahay inay dhex daloosho 7 mitir oo shub adkeysan ah.
Sarkaalka oo isbarbardhig ku sameeyay awooddeeda, wuxuu yiri: “Sida caadiga ah, gantaallada Maraykanku waxay dalooshaan 2.4 mitir oo shubka nooca C35 ah oo laga helo warshadaha tamarta Nukliyeerka. Balse NEB-2 waxay ka dusi kartaa 7 mitir oo ah shubka nooca C50, kaas oo saddex jeer ka adag kan warshadaha Nukliyeerka.”
Tijaabooyin naxdin leh oo lagu sameeyay ayaa muujiyay awooddeeda dhabta ah. Markii lagu tuuray jasiirad, waxay dhulka dhex gashay masaafo dhan 90 mitir, waxayna sababtay dhul go’ay, gaas daatay, iyo burbur dhagxaaneed oo gaaraya wareeg dhan 160 mitir. Waxaa intaas dheer, sarkaalku wuxuu sheegay, “Qaraxa oo caadiyan qaata 25 miliseken, ayaa loo dheereeyay 240 miliseken, taasoo ka dhigtay mid burburkeedu aad u ba’an yahay.”
Soo saarista labadan bambaano waxay awood istiraatiiji ah oo la taaban karo siinaysaa Ciidanka Cirka ee Turkiga. Awoodda ay u leedahay NEB-2 inay si qoto dheer u burburiso dhufaysyada dhulka hoostiisa ah waxay faa’iido weyn siinaysaa Turkiga, gaar ahaan gobol ay dhinacyo badan ku tiirsan yihiin dhufeysyada dhulka hoostiisa ah, si ay gabbaad uga dhigtaan, hubka ku kaydsadaan, kuna ilaashadaan isku-xirnaanta taliskooda.