Turkiga oo duqeyn culus ka geystay dalka CIRAAQ

Baghdad (Caasimada Online) Ugu yaraan illaa sagaal qof oo rayid ahaa oo ay ku jiraan labo caruur ah ayaa ku dhintay, 33 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar Turkiga ku qaaday gobolka Dohuk ee waqooyiga waddanka Ciraaq, sida ay saraakiisha sheegeen.

Telefiishanka Ciraaq ayaa sheegay in “duqeymo culus” lagu garaacay goob loo dalxiis tago oo ku taal magaalada Zakho, oo dhacda xadka gobolka Kurdistan ee Ciraaq iyo Turkiga.

Wakaalada wararka ee dalkaasi ayaa sheegtay in dhamaan dadka dhintay ay ahaayeen dalxiisayaal. Saraakiisha Ciraaq ayaa ku eedeeyay Turkiga inuu ka dambeeyay weerarka, balse Ankara ayaa beenisay inay mas’uul ka tahay dhacdada.

Madaxa gobolka Zakho, Mushir Bashir, ayaa sheegay in dadka dhintay ay u badan yihiin “dalxiisayaal ka yimid Carabta Ciraaq, oo u badan kuwo ka yimid bartamaha iyo koonfurta dalka”,.

“Turkiga ayaa maanta labo jeer duqeeyay tuulada”, sida ay kasoo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

Bashiir ayaa intaa ku daray in dadka dhintay ay ahaayeen dalxiisayaal u yimid tuulada buuraleyda ah ee Barkh ee gobolka Zakho si ay uga badbaadaan heerkulka sare ee ka jira koonfurta dalka.

Caamir Cali oo ka mid ah saraakiisha caafimaadka ee magaalada Zakho ayaa warbaahinta u sheegay in dadka dhintay ay kala ahaayeen labo caruur ah oo saddex rag ah iyo saddex dumar ah. Ra’iisul wasaaraha Ciraaq Mustafa Al-Kadhimi ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid lagu weeraray madax banaanida Ciraaq.

Waxayna Golaha Wasiirada Amniga Qaranka, oo uu madax ka yahay Al-Kazemi, ay go’aansadeen in ay amar ku siiso Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay u yeerto safiirka Turkiga ee Ciraaq oo ay u sheegto sida ay Baqdaad u cambaareynayso dhacdada.

Goluhu waxa uu Turkiga ka dalbaday raali-gelin rasmi ah iyo in ciidamadooda kala baxaan dhammaan dhulka Ciraaq. Goluhu wuxuu sidoo kale faray Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay diyaariso fayl ku saabsan “weerarada soo noqnoqda ee Turkiga ee ku wajahan madax-bannaanida Ciraaq iyo amniga Ciraaq” iyo inay u gudbiso cabasho arrintan la xiriirta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa dhankeeda sheegtay inay ka xun tahay falkaasi, balse waxay sheegtay inuu ahaa weerar argagixiso.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda ayaa tacsi u dirtay dowladda Ciraaq, shacabka iyo ehelada dadkii ku dhintay dhacdadani, iyadoo sidoo kale caafimaad degdeg ah u rajeysay dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi. Bayaanka ayaa lagu sheegay in Turkiga uu kasoo horjeedo weerar kasta oo lagu bartilmaameedsanayo dadka rayidka ah, waxaana lagu sheegay “inuu la dagaalamo argagixisada si waafaqsan sharciga caalamiga ah, isagoo si weyn u tixgelinaya nolosha rayidka iyo kaabayaasha rayidka.”