Turkiga oo ka hadlay siduu u arko qorshaha Abiy Ahmed ee wada-hadallada DF iyo maamulka Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Dawladda Turkiga ayaa markii u horeysay ka hadashay dadaalada lagu rabo in dib loogu furo wada-hadalada mudada badan hakadka ku jirey ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Mehmet Yilmaz, Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa si weyn usoo dhaweeyay kulankii ay dhowaan Addis Ababa ku yeeshen Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi, kaasi oo uu garwadeen ka ahaa Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed. isagoona lahaa qorshaha kulankaasi.

Safiirka ayaa kulankaasi ku tilmaamay horumar muhiim ah oo laga gaaray wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, midaasi oo dhalineysa isku soo dhawaansho labada dhinaca ah, gaar ahaan Madaxda.

Mehmet Yilmaz ayaa sidoo kale bogaadiyey raali-gelintii uu reer Somaliland siiyey Madaxweyne Farmaajo, taasi oo ku aadaneyd xasuuqii dowladdii kacaankii ay ka geysatay deegaanada Somaliland.

Yilmaz ayaa ka dhawaajiyey in dowladda Turkiga oo ay Somaliland u aragto mid la safan dowladda federaalka ay dhex-dhexaad ka tahay wada-hadalada labada dhinac, isla markaana ay ka shaqeyn doonto isku soo jiidkooda.

Safiirka ayaa waxa kale oo uu soo dhaweeyay cid kasta oo dabada ka riixeysa furitaanka wada-hadaladaasi iyo dadaalada dib loogu furayo, midaasi oo ay ka qeyb tahay qorshayaasha Abiy Axmed uu ka leeyahay Wada-hadalada.

“Dhawaan waxaa dhacay horumar aad muhiim u ah, oo ku saabsan mawduucan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo madaxweynaha Somaliland ayaa ku kulmay Itoobiya. Raali gelin baa dhacday, Waxayna ahayd horumar taagan oo aad u wanaagsan, gaar ahaana raali gelintii madaxweynaha Soomaaliya iyo weliba aqbalaadiisii arrintan, waxaan u aragnaa in ay tahay natiijo wanaagsan” ayuu yiri Safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

Wuxuuna intaas kusii daray “Keliya waxay u baahan tahay in la isku duba-rido, oo la dhamaystiro. waayo Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya wuxuu leeyahay dhinacyo kala duwan. Sida siyaasadda iyo warbaahinta oo kale. Waxaan mar-walba leenahay dadka hawshan qaban doona, hagi doona, ee isku duba-ridayaa, waa dhinacyadda uu wadahadalku u dhexeeyo”.

“Waxaan rabaa in aan mar kale ku celiyo in doorkayagu yahay dhex-dhexaadin. Sidaas darteed Anagu keliya waxaan joognaa booska dhex-dhexaadinta ah, taas anagoo ka duulayna, ayaan dhinacyadda ka rabnaa in ay anaga na hagaan. Dabcan, anagu tallooyin iyo soo jeedin ba waanu ku lahaan karnaa.ayuu yidhi danjiraha Turkiga u jooga Muqdisho”.

Dadaalada lagu rabo inay dib u furmaan Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa muddooyinkii dambe sii kordhayey, iyada oo ay soo if-baxdeyna qorshayaal uu Abiy Axmed dabada ka riixayo si ay u furmaan wada-hadaladaasi.