Turkiga oo ku dhawaaqay natiijada baaritaanka dilka Khaashuqji, shaacana ka qaaday arrin xasaasi ah

Istanbul (Caasimada Online) – Jamaal Khaashuqji waa la ceejiyey durbadii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, kadibna jirkiisa ayaa cad-cad loo jaray oo la qariyey, waxaa sidaas maanta ku dhowaaqay dacwad-oogaha Turkiga Irfan Fidan.

Waa warkii ugu horreeyey ee rasmi ah oo Turkiga ay kasoo saaraan suxufiga reer Sacuudi ee la dilay labadii October.

“Si waafaqsan qorshe horey loo sii dejiyey, Jamaal waa la ceejiyey illaa uu ka neefo baxo, kadibna jirkiisa ayaa la jar-jaray oo la burburiyey markii uu dhintay” ayuu ku yiri Irfan bayaan uu soo saaray

Hadalkan ayaa beeninaya sheegashada Sacuudiga ee ah in Khaashuqji uu ku dhintay dagaal si lama filaan ah uga dhacay qunsuliyadda, oo uu u tegay inuu kasoo qaato waraaqo la xiriira guurkiisa.

Warka kasoo baxay Turkiga ayaa imanaya kadib markii dacwad oogaha Sacuudiga uu ka tegay Istanbul, wuxuuna hoosta ka xariiqayaa sida ay u yareyd wada-shaqeyta Sacuudiga iyo Turkiga ee baaritaanka kiiska.

Dacwad oogaha Istanbul Irfan Fidan ayaa bayaanka ku sheegay in wada-hadalladii uu la yeeshay dhiggiisa Sacuudiga Saud al-Mojeb aysan wax natiijo ah ka dhalan.

Warbaainta Turkiga ayaa sheegay in Saud uu diiday inuu shaaca ka qaado halka uu jiro meydka Jamal Khaashuqji iyo cidda kala shaqeysay in la qariyo.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com